Mas'uuliyiin horleh oo ka tirsan Puntland oo laga helay Covid-19

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga Puntland u qaabilsan ka hortagga safmarka Coronavirus ayaa sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-geliyeen 17 kiisas cusub oo ah safmarka Coronavirus.

Warbixintooda maalinlaha ee 9-ka May sanadka 2020 ayay ku sheegeen in bukaanada ay kamid yihiin 24 lagu baarey sheybaarka yaala magaala madaxda maamul goboleedka ee Garowe.

Sidoo kale, waxay tibaaxeen in ay jirto hal dhimasho, balse lama soo sheegin soo kabasho cusub oo la xiriirta cudurka, 24-kii saac ee u dambeysay.

Tiradda guud ee kiisaska Covid-19 ee degaanadda Puntland ayaa waxay gaartay 76 kadib markii lagu daray xaaladaha cusub.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa xustay in dadka uu soo ritay xanuunka ee bukaanada cusub ay kamid yihiin wasiir ka tirsan xukuumadda Puntland iyo Xildhibaan.

Bukaanadda cusub oo 15 kamid ah ay yihiin rag, labada kelana dumar ayaa kala jooga goboladda; Karkaar, Bari, Nugaal iyo Mudug.

Mas'uuliyiinta uu soo ritay ayaa si gaar ah isku karantiilay, waxaana xaaladooda lagu tilmaamay "mid aad u wanaagsan".

Intaas waxaa wehlisa, wadarta geerida waa saddex qof; dadka ka caafimaadey, illaa iyo haatan, waxay ku taagan tahay hal muwaadin.

Dhanka kale, guddiga ayaa ku booriyey dadweynaha Puntland in ay ku dhaqmaan talooyinka caafimaad ee kaga imaanaya dhakhaatiirta iyo shaqsiyaadka aqoonta u leh culuumta caafimaadka.

Puntland ayaa hormuud u ah ololaha xakameynta caabuqa sidda fudud u faafa ee guud ahaan degaanadda Soomaaliya, waxaana maamulka uu soo rogay talaabooyinka looga hortagayo fayruskaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM