Maxaa ciidamada Danab keeney Galkacayo, Gaas oo ku wajahan xarunta Mudug
Galkacayo: Warsidaha Garowe online oo isku dayey inuu wax ka ogaado sababta ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab howlgalada la dagaalanka Al-shabaab uga sameynayan magaalada Galakacyo ayaa ogaadey in Dowlada Federalaka ka dambeyso arinakaan.
Ciidamadaan oo labadii asbuuc ee la soo dhaafey howlgalo lagu qab-qabanayo kooxda Al shabaab ka wadey magalaada Galkacayo dhinaceeda Woqooyi iyo Koonfureed ayaa wararka aan heleyno xusayaan iney hordhac u yihiin howlo amaanka loogu sugayo Madaxeynaha Xasan Shiikh oo ku wajahan magaladaas.
Dowlada Puntland ayaa tafaasiil rasmiya ka bixin joogitaanka ciidankaan iyadoo howlgaladaan loo sababeynayo in kooxda al shabaab qaraxyadii ay maalintii shaley 21 August, 2016 la beegsadeen xarunta Dowlada hoose iyo suuq dadku ka adeegtaan magalaada Galkacayo bartilmaamedkoodu ahaa argoosi ay ka sameeynayaan howlgalada ciidamadaan.
Hay'adaha amniga Punttland ayaa digniin shacabka ka siin dhibka ay keeni karaan howlgaladaan KMG ah kuwasoo aysan la socon ilaalin lagu sameeyo goobaha dadku isugu yimaado.
Waxaa jira warar kale oo sheegaya in Madaxeynaha Puntland iyo xubno la taliyaashiisa ah ka shaqeynayaan sidii magaalda Galkacayo amnigeeda gacanta loogu galin lahaa ciidamada amisom iyo Fedetalka doorashada Somaliya kadib.
Ku wareejintaan ayaa salka ku haysa kadib markii xukuumada Madaxweyne Cabdiweli ku guuldareystey iney ilaaliso amaanka magaalooyinka waaweyn ee Puntland halka qorshaha ugu balaaran yahay sidii ay u baajin lahaayeen kharashka Puntland kaga baxa amniga.
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland oo Weli safar ugu maqan dalka Ethiopia ayaa la filayaa in maanta kasoo dago magaalada Galkacayo halkasoo la sheegayo in dadka ku dhaawacmey qaraxaan kuwooda liita loo qaadi doono Muqdishu ama dalka Ethiopia.
Xukuumada Madaxweyne Gaas ayaa weli ka hadlin khasaaraha qaraxaan iyadoo hay'adaha amniga Puntkand aysan bixin wax kalsooni ah in amniga Puntland gacantooda ku jiro.
Madaxwyne ku xigeenka Puntland iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maalintii shaley ka ambabaxey magaalada Garowe waxyar kadib qaraxa markuu ka dhacey magalaada Galkacayo.
Aaska issinka dhintey oo lagu aasey magalaada Boocame ayaa waxaa si wada jir ah uga qayb galey siyaasiyiinta gobolka Sool kuwasoo ka kala tirsan maamulada Puntland, Somaliland iyo Khaatumo.
GAROWEONLINE