Maxaa ka jira in Baarlamanka Puntland uu ka hadlay kordhinta muddo xileedka hay’adaha dowladda?

Image

GAROWE, Soomaaliya - Muddo kordhin la sheegay in Golaha Wakiilada Puntland ay ka dooddeen ayaa saacadihii la soo dhaafay muran ka dhalisay Baraha Bulshada.

Warsidaha Garowe Online oo u kuurgalay warkaan ayaa ogaadey in guddiga joogtada ah ee Barlamanka Puntland ee shirka isugu yimid uu ahaa guddiga amniga.

Xogta ayaa sheegeysa in gudoomiyaha guddiga uu ka maqnaa shirka, sidaasi darteedna xubnaha kale ay dood ka yeesheen xaaladda amni iyo mida siyaasadeed ee Puntland.

“Guddiga uma fadhin goobta iney ka hadlaan arimahaan balse maadaama shirku naga baaqdey waxaan ka wada hadalnay xaalka ay Puntland ku sugan tahay, waxaana jiray xildhibaan soo hadal qaadey muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha dowlada,” Sidaas waxa Garowe Online u sheegey mid kamid ah xildhibaanada oo goobtaas fadhiyey.

Xogta ayaa sheegeysaa in xildhibaanka soo jeediyey hadalkaan aysan cidina la sii wadin, islamarkaana qorshaha meesha loo fadhiyay aanay ku jirin muddo kororsi.

Madaxweynaha Puntland oo muddo xileedkiisa ka dhiman yahay muddo ka yar afar bilood ayaa wararku sheegayaan in hubanti la’aan soo food saartey isaga iyo kooxaha siyaasadaha muddo kororsiga kula socda.

Mid ka mid ah xildhibaanada oo diiday in magaciisa la xuso ayaa yiri:

“Waa suurtagal in gudoonka golaha ay hadalkaan aan ajindaha ku jirin u soo dhex mariyeen Xildhibaanka si uu meesha uga sheego.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM