Deni oo digniin dano shaqsi huwan kasoo saarey sharci kalluumeysi

Image
Ganacsato reer Puntland oo horey ugu lug lahaa jariifka kalluunka ayaa qeyb ka ah qorshahan.

GAROWE, Puntland – Maamulka Puntland ayaa ka digtay meelmarinta nuqulo sharci la xariira Kalluumeysiga Soomaaliya, oo horyaala golaha shacabka faderaalka, kaas oo ay sheegtay in uu halis ku yahay daganaanshaha siyaasadeed, hanaanka federaaleynta iyo Amniga Qaranka.

Digniintan ayaa kusoo hagaagaysa xilli madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni u uku guda jiro10-kii bilood ee ugu dambeeyey muddo xileedkiisa waxaana uu horey u sheegay in uu u hakiyey wadashaqeyntii kala dhaxeysay dowladda federaalka ah.

Qoraalkan ayaa sidoo kale waxa uu kusoo hagaagayaa xilli Deni uu horey u bixiyey ruqsado kalluumeysi oo uu siiyey 65 markab kuwaas oo sida xoggo lagu kalsoon yahay dowlada Federaalka sheegtey gaar ahaan Wasaradeeda Kaluunka ineysan aqoonsaneyn.

"Bayaanka wuxuu u muuqdaa mid looga gaashaamanayo in dowladda Soomaaliya ay saameyn ku yeelato ama ay fulintooda caqabad ku noqoto ruqsadahan aan sharciyad lahayn oo uu bixiyey madaxwayne Deni," ayay raaciyeen illo wareedyo.

Fahfaahinta ayaa waxay intaas ku daraysaa in darafyadda la siiyey shatiyada sharci darada ah ay ku jiraan siyaasiyiin ka tirsan ururadda siyaasada qaarkood iyo ganacsato reer Puntland ah oo horey ugu jiray jariifka kalluunka oo haatan uu Deni ka leeyahay dano dhaqaale iyo muddo kororsiga.

"Madaxweynaha waxa uu bixinta ruqsadahan sharci darada ah ku iibsanayaa muddo kororsi iyo in uu taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale u helo barnaamijka dimuqraadiyeynta ee halka dhinac ah," ayuu ku dareen dadka xog-ogaalka ah.

Sikastaba ha ahaatee, Barnaamijka dimuqraadiyeynta Puntland ayaa haatan wajahaya dildilaac kadib markii ay qaadaceen qaar kamid ah ururadda tunka weyn, iyo qeybaha kala duwan bulshadda kuna baaqeen in la hakiyo lana sugo in ay si daahfuran u dhaqaajiso xukuumadda soo socota.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM