Hay'adaha dowlada Puntland oo la fasaxay Khamiista soo aadan

Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Arbaco ah gudoomiyay shirka Golaha Wasiirada oo ka qabsoomay magaaladda Boosaaso xarunta gobolka Bari.

Ugu horeyn, shirka ayaa warbixin looga dhageystay Guddi uu Deni u saaray qiimayn lagu sameeyo xaalada amni ee caasimada ganacsiga Puntland, taasoo mudooyinkii liidatay.

Wasiirka Cadaaladda oo shirka fahfaahin ka siiyay war-fidiyenka ayaa shaaciyay in Guddigu soo bandhigay warbixin tafaftiran iyo qaabka loo xasilin karo magaalada dekada leh.

"Dowladani waxay mudnaanta koowaad siineysaa amniga, si qof walba oo reer Puntland ahi uu amni ugu noolaado … mana jirto wax ay ka horumarineyso," ayuu Cawil Sheekh Xaamud yiri.

Geesta kale, xubnaha golaha fulinta oo ka dooday xaaladaha abaar ee ka taagan qaybo kamid ah degaanada Puntland ayaa isku raacay in Khamiista soo aadan ay noqoto maalin roob doon.

Intaasi waxaa dheer in maalintaasi la fasaxay guud ahaan hay'adaha dowlada, lana xirayo goobaha waxbarashada iyo mehradaha ganacsi si dadwaynaha ALLE uga baryaan in uu raxmadiisa siiyo.

"Waxaynu ka rajeynaynaa ALLE hadayno sidaasi sameyno in uu ina siiyo raxmad deg deg oo Soomaaliya oo idil gaarta," ayuu hadalkiisa kusoo xiray Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Puntland.

Kulankaan uu gudoomiyay madaxwayne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee ka qabsoomaya madaxtooyada magaalada Boosaaso, maadaama isu-imaatinadii hore ay ka dhaceen Garowe.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM