Maxaa looga hadlay kulanka madaxda maamulada iyo safiirka Mareykanka?

Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ay wehelinayeen Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan iyo Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula qaatay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto.

Kulanka waxaa looga wadahadlay arrimaha Amaanka, Federaaliisamka, Dimuqraadiyeynta, maalgashiga , la dagaalanka argagixisada iyo Guud ahaan mashaariicda horumarineed ee dowladda Maraykanku ka caawiso Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ambassador Donald Yamamoto ayaa xusay in Dowladdaha xubnaha ka ah DFS, gaar ahaan Puntland, Jubbaland iyo
Galmudug ay waxbadan oo horumar ah ka hirgeliyeen deegaanadooda, gaar ahaan xasiloonida, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha amniga iyo nabadda, waxaana uu safiirku xaqiijiyey inay diyaar u yihiin wada shaqayn dhaba oo taabagasha.

Sidoo kale Ambassador Yamamoto ayaa dowladda Puntland ku amaanay sida mar waliba ay uga go’antahay, la-dagaalanka Argagixisada iyo dhaqan gelinta hannaanka Federaalisamka, isaga oo xusay inay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada hirgelinta nidaamka dimuquraadiyaynta ee Puntland dedaalka ugu jirto inay hirgeliso.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dowladda Maraykanka uga mahadnaqay taageerada balaadhan ee ay Puntland ka siiso la-dagaalanka Argagixisada iyo tababarida ciidamada, isla mar'ahaantaana Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyey kulankan muhiimka ah uu la qaatay Ambassador Yamamoto.

Puntland State House

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM