Maxaa looga hadlay kulankii Deni iyo Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya?

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wafti balaadhan oo uu hogaaminayo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyey kulanka muhiim ka ah ee uu la qaatay safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaaliya.

”Waxaa maanta magaalada Garoowe nagu soo booqdey wafti uu hogaaminayo safiirka dalka UK oo ah dal saaxiib dhow la ah Soomaaliya, gaar ahaan Puntland, kana soo qayb-qaatay horumarka iyo dedaalada loogu jiro dib u kabashada Soomaaliya".

"Mashaariic badan oo wax ku ool u ah Puntland ayay hirgeliyeen, qaarkoodna wadaan, waxaan aad ugu faraxsanahay in aan maanta halkan ku yeelanay kulan, kaas oo aan uga hadalnay dhinacyada siyaasadda, Amniga iyo horumarinta intaba, waxay ahaayeen waxyaabo wax ku ool ah, dib u milicsiga waxyaabihii qabsoomay sidii loo anba qaadi lahaa marxaladda soo socota, waxay kamid ahaayeen arrimahaasi wixii aan kawada hadalnay"Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Safiirka UK ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender oo ka mahadnaqay soo dhoweynta heerkeedu sarayso ee uu kala kulmay Puntland ayaa sheegey in ay Madaxweynaha Puntland ka wada-hadleen siyaasadda guud ee Soomaaliya, mashaariicda UK ka fuliso Puntland, sida Caafimaadka, daweynta Xoolaha, hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo amniga, isla markaana safiirka ayaa balan qaaday in UK ay kordhindoonto dhankeeda wada- shaqaynta labada dhinac.

Kulanka uu Madxaweynuhu la qaatay Safiirka UK waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarita Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax Xasan, Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Cabdiweli Cali Timacade iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Puntland State House

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM