Maxaa sababay iska hor-imaadka Ciidan ee ka dhacay gobalka Raas Casayr?

Image
Iska hor-imaadka ayaa dhexmaray ciidamo ka tirsan Booliska gobolka Raas casayr iyo maleeshiya-beeleed.

Garowe, Soomaaliya - Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska hor-imaad xooggan oo saaka ka dhacay degaanka Hursale oo ka tirsan degmada Caluula ee Gobolka Raas Casayr.

Iska hor-imaadka oo dhexmaray ciidamo ka tirsan Booliska gobolka Raas casayr iyo maleeshiya-beeleed ka soo jeeda degaanka Hursale ayaa la sheegay in uu sababay khasaare labada dhinac ah.

Goob-joogayaal ku sugan degmada Caluula ayaa laga soo xigtay in iska hor-imaadkaasi ka dhashay muran la xiriira sida loo qaybsanayo hub dhawaan booliska degaanku gacanta ku dhigeen, oo xiligaasi boolisku sheegeen Inuu ahaa sharci doro hub ku yimid.

Hubkaas ayaa laga dejiyay doonni si sharci-darro ah ku soo gelinaysay xeebaha gobolka Raas casayr, taasi oo gacanta lagu dhigay iyada iyo raggii watay.

Qaar ka mid ah hubkii lagu qabtay doonta ayaa dhawaan warbaahinta loo soo bandhigay balse wararka ayaa tibaaxaya in muranku ka taagan yahay qaybsiga intii kale oo aan la soo bandhigin hubkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM