Maxa sababey in Barlamanka Puntland ka hadlin daabicista Faalsada?

Image

Sep 11, 2015 (GO)- Barlamanka Puntland oo ka aamusan sameynta lacago dhowaan lagu daabacey magaalada Bosaso ayaa warsidaha Garowe online baaris uu sameeyey waxaa uu ogaadey in xubno ka tirsan gudoonka ku lug leeyihiin barnaamijka lagu soo saarey Shilin Somaligaan faalsada ah.

Gudoomiye ku-xigeenka kowaad Barlamanka Cabdixamid Shiikh Cabdisalaan ayaa xogtaan sheegeysaa inuu lug weyn ku lahaa talooyin madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas iyo ganacsatada maalgalisay laga siiyey soo iibinta qalabka makiinadaan iyo shaqaalaha ka shaqeynaya.

Xogtaan ma xaqiijineyso in Gudoomiye ku-xigeenka kamid yahay saamileyda makiinadaan ka qaatada khidmadaha laga helo marka lacagahaan lagu qaadanayo hantida shacabka balse waxaa jira warar sheegaya in doorweyn uu ku lahaa bilowga qorshaha lagu daabacayo lacagtaan.

Gudoomiye ku-xigeenka Barlamanka Puntland ayaa kamid ahaa wafti madaxweynaha Puntland u raacey wadanka Imaaraadka Carabta bilowgii sanadka 2015 isagoo kulamo la qaatey ajaanib kasoo jeeda dalka Hindiya kuwaasoo iibiya makiinada lagu daabaco lacagahaan.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Barlamanka Siciid Xasan Shire  oo safar ku tagey magaalada Galkacayo maalmihii lasoo dhaafey ayaa warar aan la xaqiijin sheegayaan in kulamo uu la qaatey madaxweynaha Puntland kala hadley daabacista lacagtaan iyo shrciyadeeda.

Gudoomiyaha oo markii hore saxaafada fileysay inuu aadayo magaalada Kismayo halkasoo lagu qabanayo caleemo saarkii madaxweynaha Jubaland ayaan kamid aheyn maanta Sept 11,2015 waftiga madaxweyne Gaas ee ka ambabaxey Galkacayo.

Cabdixamid Shiikh Cabdisalaan oo xubinimida Barlamanka loo doortey 2009 islamarkaana ku guuleystey xilka Gudoomiye ku-xigeenka Kowaad ee aqalka wakiilada doorashooyinka Puntland ka dhacey Jan 8,2014 ayaa horey uga soo shaqeeyey daabicista lacagahaan Shilin Somaliga kadib markii xukuumadii madaxweyne Cadde Muse siisey ruqsad wadanka uu ku keeno makiinado lagu sameeyo lacagahaan.

Makiinadaahan oo waqtigaas abuurey sicir barar ayaa waxaa albaabada isugu dhuftey culumaa'udiinka Puntland kuwasoo markaas uu hogaaminayey AHN Shiikh Cabdulqaadir Farax Nuur. 

Xogtaan ayaa sheegeysa in Gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee Barlamanka Puntland dhinaca kale la rumeysan yahay in culeys saarayo sidii xildhibanaada aqalka wakiilada aysan uga hadlin daabacista lacagtaan iyo dhibaatada ay kusoo kordhineyso shacabka. 

Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Somalia Bashiir Ciise oo dhowana warsaxafdeed soo saarey ayaa sharci daro ku tilmaamey daabacistan lacagtaan isagoo ku tilmaamey iney tahay barnaamij la damacsan yahay in lagu dhaco shacabka Puntland hantidiisa.

NB_ GAROWEONLINE ayaa idiin soo gudbin doona shaqsiyaadka (Rayid, dowli iyo ganacsato) kuwaasoo ku lug leh daabacada lacagta Shilin Somaliga been abuurka ah  gudbinta xogahaan ayaa ah waajib saxaafada xorta ka saaran in u shacabka u gudbiso taasoo sababeysa in wax laga qabto dhibaatooyinka ku soo fool leh shacabka Somalida meel kasta ay joogaan.

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM