Maxaa xigi doona go’aanka Musharaxiinta ee ku diideen ka qeybgalka doorashada Deni?

Image
Go’aanka Musharxaiinta ayaa ku soo beegmaaya xilli laga dareemaya magaalada Garowe qulqul ciidan.

Garoowe, Soomaaliya - Musharaxiinta Xilka Madaxeynenimada Puntland ayaa soo saaray warmuriteed ay oo ka kooban 3-qodob kuwaas oo ku saabsan Shaacinta Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo ansicinta Golaha Wakiilada ee Liiska Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad.

Musharxiinta oo maanta u qabsoomay shir degdeg ah ayaa ka hadlay waxa ay ku tilmaameen “liiska been abuurka ah” ee uu Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaadka yahay u soo dhiibay Guddiga lagu muransanyahay ee Ansixinta Golaha Wakiilada.

Warmurityeedka ayaa ku xusan: “Sida uu uu caddeeyay Guddoomiyaha Guddiga xallinta khilaafaadka iyo xulista xildhibaanada liiska ayaan haysan sharciyadda hab-raacii rasmiga ahaa ayna ku badan yihiin xubno aan soo gudbisan araajididii saxda ahayd.”

Musharaxiinta ayaa isla qaatay qodobada soo socda:

1- Musharrikiintu waxay shacabka reer Puntland u caddaynayaan inaysan aqoonsanayn liis baal marsan habraacii lugusoo xuli jiray xubnaha Golaha Wakiillada.

2- Mushaarrixiintu waxay kaloo caddaynayaan inaysan doorasho ku galayn liiska sharicidarrada ah ee soo basay.

3- Musharrixiintu waxay uga digayaan Madaxweynaha maalmuhu u dhimman yihiin inuusan dalka u horsedin burbur, amni darro iyo qalalaase siyaasadeed, uuna isagu qaadi doono masuuliyadda wixii ka yimaada.

Go’aanka Musharxaiinta ayaa ku soo beegmaaya xilli laga dareemaya magaalada Garowe qulqul ciidan oo ka soo horjeeda Liiska ay xalay shaaciyeen guddiga Doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM