Maxamed C/raxmaan: Musharaxnimada Deni ma keenayso dano is-diidaya

Image
Dastuurka Puntland ayuu ka dhawaajiyay in uu u fasaxayo madaxweynaha in uu u tartamo hogaanka dalka.

GAROWE, Puntland – Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed oo ka hadlay Garowe Online Twitter Space ayaa sheegay in uusan jirin dano siyaasadeed oo ka hor istaagaya madaxweynaha Puntland in uu isku soo sharaxo xilka madaxweynaha Soomaaliya.

"Dastuuriyan ma jirto dano is-diidaya oo ka dhalanaya in madaxweynaha Puntland isku soo sharaxo hogaanka Soomaaliya," ayuu yiri Maxamed Cabdiraxmaan.

Maxamed Cabdiraxmaan, oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in jiri karaan caqabado ah in aan shaqadii laga rabay madaxweynaha ay hoos u dhacayaan maadaama uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya balse ay taasi ku xirantahay madaxweynaha iyo dadka shaqanaya sida ay u kala maareeyaan danaha Puntland iyo musharaxnimada madaxweyne Deni.

“Caqabadaas waa la sixi karaa waxa ayna ku xiran tahay madaxweynaha iyo dadka la shaqeeya in markaasi shaqadii  maamulka ay socoto oo aysan madaxweynaha u hakan," ayuu yiri Maxamed Cabdiraxmaan.

Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa sheegay in Puntland ay leedahay madaxweyne ku xigeen iyo golaha wasiiro kuwaas oo sii wadaya shaqadaha golaha fulinta ee uu hormuudka u yahay madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Mar uu ka hadlaayay in madaxda maamulada ay soo xusheen xildhibaano iyo senataro daacad u ah ayuu sheegay in arintaasi uu sababay madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday sida uu shaqeeyay shantii sano ee la soo dhaafay maamuladuna ay feeljiganyihiin damaca Farmaajo ee boobka doorashada.

“Boobka ay maamuladu ka sameeyeen kuraasta xildhibaanada in ay tahay cabsida laga qabo Villa Soomaaliya iyo waxa ka soo bixi kara” ayuu yiri isaga oo hoosta ka xariiqay hadii uu wanaagsanaa lahaa xiriirka ka dhexeeya Villa Soomaaliya iyo maamulada sidii codayntii 2016 ay dhici leheyd doorasho haysata kalsooni buuxda.

Madaxweynaha Puntland ayaa bishii hore ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo sheegay in qorshihiisu yahay sidii uu meesha uga saari lahaa madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha hore ee Soomaaliya AUN, Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa xilka madaxweynaha Puntland iska casilay 2004 ka dib markii loo doortay madaxweynaha Soomaaliya balse tartanka waxa uu galay isaga haaya xilka madaxweynaha Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM