Maxamed C/raxmaan: Musharaxnimada Deni ma keenayso dano is-diidaya

Image
Dastuurka Puntland ayuu ka dhawaajiyay in uu u fasaxayo madaxweynaha in uu u tartamo hogaanka dalka.

GAROWE, Puntland – Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed oo ka hadlay Garowe Online Twitter Space ayaa sheegay in uusan jirin dano siyaasadeed oo ka hor istaagaya madaxweynaha Puntland in uu isku soo sharaxo xilka madaxweynaha Soomaaliya.

"Dastuuriyan ma jirto dano is-diidaya oo ka dhalanaya in madaxweynaha Puntland isku soo sharaxo hogaanka Soomaaliya," ayuu yiri Maxamed Cabdiraxmaan.

Maxamed Cabdiraxmaan, oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in jiri karaan caqabado ah in aan shaqadii laga rabay madaxweynaha ay hoos u dhacayaan maadaama uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya balse ay taasi ku xirantahay madaxweynaha iyo dadka shaqanaya sida ay u kala maareeyaan danaha Puntland iyo musharaxnimada madaxweyne Deni.

“Caqabadaas waa la sixi karaa waxa ayna ku xiran tahay madaxweynaha iyo dadka la shaqeeya in markaasi shaqadii  maamulka ay socoto oo aysan madaxweynaha u hakan," ayuu yiri Maxamed Cabdiraxmaan.

Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa sheegay in Puntland ay leedahay madaxweyne ku xigeen iyo golaha wasiiro kuwaas oo sii wadaya shaqadaha golaha fulinta ee uu hormuudka u yahay madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Mar uu ka hadlaayay in madaxda maamulada ay soo xusheen xildhibaano iyo senataro daacad u ah ayuu sheegay in arintaasi uu sababay madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday sida uu shaqeeyay shantii sano ee la soo dhaafay maamuladuna ay feeljiganyihiin damaca Farmaajo ee boobka doorashada.

“Boobka ay maamuladu ka sameeyeen kuraasta xildhibaanada in ay tahay cabsida laga qabo Villa Soomaaliya iyo waxa ka soo bixi kara” ayuu yiri isaga oo hoosta ka xariiqay hadii uu wanaagsanaa lahaa xiriirka ka dhexeeya Villa Soomaaliya iyo maamulada sidii codayntii 2016 ay dhici leheyd doorasho haysata kalsooni buuxda.

Madaxweynaha Puntland ayaa bishii hore ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo sheegay in qorshihiisu yahay sidii uu meesha uga saari lahaa madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha hore ee Soomaaliya AUN, Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa xilka madaxweynaha Puntland iska casilay 2004 ka dib markii loo doortay madaxweynaha Soomaaliya balse tartanka waxa uu galay isaga haaya xilka madaxweynaha Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM