​Maxamed Cali Farax "Dadka xabsiyaa ku jira ee Qur'aanka barta xukunka waa laga khafiifiyaa"

Image

GAROWE- Agaasimaha Guud ee wasaaradda Cadaaladda Puntland Maxamed Cali Faarax, ayaa sheegay in dadka ku jira xabsiyada Puntland la baro Qur'aanka Kariimka iyo micnahiisa, isagoo tilmaamay in taas u jeedkeedu tahay sidii loo dhiiri galin lahaa barashada Qowlka EEBBE.

Wuxuu sheegay inay dadaal ku bixiyaan sidii culimaa'uddiinka Puntland loogu gayn lahaa maxaabiista iyadoo laga duulayo sidii dambiilayaasha loo fahamsiin lahaa in Qur'aanku naxariisyahay oo ay kaga waantoobaan falalkii ay sameeyeen.

Maxamed Cali Faarax, oo ka hadlayay xaflad lagusoo xirayay tartan Qur'aanka Kariimka ah oo ka dhacday magaalada Garowe kaasi oo uu ka qayb galay madaxweyne Gaas, ayaa carrabka ku dhuftay in shakhsiyaadka Xifdiya Qowlka EEBBE, loo keeno Madaxweynaha Puntland si looga Khafiifiyo xukunkii lagu riday.

"Waxaannu qorshe u samaynay qof allaale qofkii xabsiga ku jira oo Qur'aanka xifdiya inaan u gayno madaxweynaha dowladda Puntland, si looga khafiifiyo xukunkii lagu riday, taasi marka waxay noqonaysaa inay ku dhiirradaan in Qur'aanka ILAAHAY bartaan macnahiisana la baro,"Ayuu yiri Maxamed Cali Faarax, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Cadaaladda Puntland.

Xabsiyada Puntland ayaa waxaa ku xiran maxaabiis tiro badan oo dambiyo kala duwan ku loo haysto, balse ma sheegin Agaasimuhu kuwa xukun laga khafiifinayo inay kamid yihiin kuwa dambiyada adag ku lug lahaa.

HALKAN KA DAAWO KHUDBADDA AGAASIME MAXAMED CALI FAARAX UU KA JEEDIYAY XAFLADDA XIRITAANKA TARTANKA

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM