Maxay kawada hadlayaan, MD Deni iyo Agaasimaha PSF oo leh Kulankoodi 2-aad isla isbuucan?

Image
Kulankii ugu danbeeyay ee dhexmaray labada dhinac ayaa ka dhacay Boosaaso 4 March 2022

Garoowe, Soomaaliya - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Agaasimaha hay'adda PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa Todobaadkan markii labaad shir gaar ah la yeeshey.

Xogo aynu ka helnay ilo ku dhow madaxtooyada Puntland oo aan ogolayn in magacooda la shaaciyo ayaa inoo xaqiijiyay in kulanki labaad uu u socdo Madaxweynaha iyo agaasimaha. 

"Waa shir gaar ah oo ku saabsan wada-shaqaynta hay'adda PSF ee uu agaasimaha ka yahay  Maxamuud Diyaano iyo madaxweynaha dib loo doortay ee Siciid Deni, laguna dhamaynayo howlo shaqo oo qabyo ahaa" ayuu yiri sarkaalkan oo aan rabin in magaciisa la xuso.

Kulankii ugu danbeeyay ee dhexmaray Madaxweyne Siciid Deni iyo Maxamuud Diyaano ayaa ka dhacay Boosaaso 4 March 2022, waxaana lagu dhameeyey arimhii jirey intooda badan balse waxaa soo kala dhexgalay dhameystirkooda doorashooyinkii ka jirey Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdulahi Dani ayaa tan iyo intii dib loo doortey 8 January, 2024 ayaa waxaa la kulmayey, siyaasiyiin, saraakiil ciidan, Issimo iyo shaqsiyaad kale oo ka tirsan shacabka Puntland kuwaas oo uga dan lahaa in la dhameeyo khilaafyadii ka dhashey doorashooyinkii ka dhacey maamulkaas. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ardey Soomaaliyeed oo Lagu Xirey Turkiga loona Soo Tarxiiley Soomaaliya

Qaar ka mid ah ehelkiisa oo la hadlay Garowe Online waxay sheegeen in aan wali si rasmi…

  • Puntland

    27-07-2025

  • 10:47AM

Mareykanka oo howlgal gaar ah ka fuliyay Buuraha Calmiskaad, Puntland

Taliye sare oo katirsan kooxda ayaa lagu qabtay, kaasoo la sheegay inuu u qaabilsanaa dhanka maaliyadda.

  • Puntland

    26-07-2025

  • 02:03PM