Maxaa Sababey In Madaxweynaha Puntland Ka Hadlin Salaaddii Ciida?

Image

GAROWE, (GO) - Madaxweyne Siciid Cabdulahi Dani, oo dhowaan dib uga soo noqday Puntland, ayaa Salaadii Ciidul Fitriga ee lagu tukaday garoonka Kubada cagta Mire Awaare maalintii Jimcaha in uusan ka hadlin waxay abuurtey su'aalo iyo hadal hayn farabadan.

Warsidaha Garowe Online oo u kuurgalay sababta, waxay ogaadeen in go'aanka aamusnaanta Madaxweynaha uu kaligiis gaaray, taasoo aad uga yaabisay xafiiskiisa iyo taageerayshiisa marka la eego xaaladaha siyaasadeed ee Puntland ka jiro.

"Waxaan aad ula yaabnay sababta Madaxweynaha uga hadli waayey xaalada Laascaano, taas oo shacabka sugayeen inuu kalmado ka yirahdo," sidaas waxaa Garowe Online u sheegay qof ka tirsan xafiiskiisa oo diidey in aan magaciisa xusno.

Salaaddaha Ciidaha oo inta badan madaxda caalamka, gaar ahaan kuwa Soomaaliya, kaga hadlaan iyaga oo taabanaya arimaha bulsho, siyaasadeed iyo amni ee taagan xiligaas, ayaa madaxdii Puntland ee maanta ku sugnayd garoonka kubadda cagta ee Mire Awaare waxay doorteen iney ka aamusaan sababo aan la sheegin.

Dadka siyaasada falanqeeya, gaar ahaan kuwa aadka u yaqaana Madaxweyne Puntland, ayaa Garowe Online u sheegay in aamusnaanta Siciid Dani ee barnaamijka dimuqraadiyada ee lagu muransan yahay, kaas oo uu dabada ka riixayo shaki badan muujineyso.

"Madaxweynaha ayaa jecel inuu ku faano ama ka hadlo marka uu is leeyahay guulo siyaasadeed ayaa gacantaada ku jira," sidaas waxaa Garowe Online u sheegay qof kamid ah xogogaal siyaasadeed, kaas oo diidey magaciisa in aan sheegno.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Salaadii ciida magaalada Hargeysa ayaa diirada ku saarey magaalada Laascaano, isagoo sheegay inaysan marna ka tanasuleen go'aankii ahaa iney Soomaaliyada kale ka goostaan, taasoo ay diideen dadka daga gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale aamusnaantiisii waxay sidoo kale meesha ka saartey inuu ka hadlo falkii argagixiso ee lagu gubey dukaankii waynaa ee ku yaaley magaalada Boosaso "Al-Macruuf," kaas oo khasaare nafeed iyo mid hantiyeed soo gaarsiiyey shacabka Puntland.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM