Maxay yihiin ciidamada Madaxweyne Dani qarsoodiga ku ururinayo?

Image

(GO)- Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ayaa ururinaya ciidamadii Dowlada Eritrea soo tababartey, sidaas waxa warsidaha GO u sheegey ilo xogogaal ah.

Ilahaan ayaa sheegey in ciidamadaan intooda badan laga ururinayo gobolka Barri iyagoo lagu xereynayo xerada Xorgoble ee ku taal duleedka magaalada Qardho.

Xogtaan ayaa shegeysa in ciidankaan lagula galay heshiis, in misaaniyada dowlada laga siinayo lacag gaareysa boqol dollar halka 200 USD oo dheeri laga bixnayo xerada ciidamada PMPF kuwaas oo tageero dhaqaale ka hela dowlada Imaraadka.

Wararka la xiriira ciidamdaan lagu soo tababarey dalka Eritrea kuwaas oo in badan ka soo baxsatey xeryo dowlada Federraalka ku leedahay Koonfurta Soomaaliya ayaa tirada baxsad ahaan ugu firaqsan Puntland gaar ahaan gobolka lagu qoyaasayaa inta u dhexeeysa 300-400 askari. 

"Barnaamijka socda oo ay wadaan saraakiil si dhow ula shaqeyneysa Madaxweyne Deni ayaa ah, in kuwa ku jira xeryaha ciidamada Dowladda Federaalka la keeno Puntland inta lacag loo diro." ayuu Garowe Online u sheegey sarkaal ka tirsan ciidankaan oo diidey in aan magaciisa xusno. 

Sarkaalkaan ayaa u sheegey GO in ciidamada ilaa hadda lagu xereeyey xerada Xorgoble gaarayaan 100 Askari halka kuwa lacagaha loogu direy Muqdisho, ku yimadaan diyaarado Puntland. 

Qorshaha Madaxweyne Dani ee ciidankaan ayaa ah inuu u isticmaalo qabashada nooca doorasho uu rabo iney ka qabsoonto Puntland, taas oo ah in cod dadweyne lagu doorto kadib markii Dastuurka Puntland si sharci daro ah lagu furey June 25,2023. 

Doorashooyinka golayaasha degaanka ee la isku khilaafey kuwaas oo aan laga qaban degmooyin ay ku jirto magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa ahaa kuwa ciidameysan oo sanaadiiqda lagu ilaalinayey gawaari tekniko ah. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM