Maxkamad shaacisay xilliga ay qaadeyso dacwad Kiiska Caasha

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Maxkamadda Darajadda kowaad ee gobolka Nugaal, ayaa maanta dib u dhigtay dhageysiga Kiiska Kufsiga iyo dilka ee loo geystay Caa'isha Ilyaas Aadan bishii Febuary ee sanadkan 2019-ka.

Xeer Ilaaliyaasha maxkamadda oo ku taalla magaalada Garowe, caasimadda Puntland, ayaa shaaciyay in saddex kamid ah 10 eedeysane oo lasoo taagey Maxkamadda ay ku cadahay inay ku lug lahaayeen Kiiskan.

Garsoorka ayaa shaaciyey in kuwa harsan dacwadooda la dhaageysan doono Sabtida soo aadan, taasi oo ka dambeysay markii codsi uu ka yimid qareenadooda.

Eheladda Marxuumad Caa'isha Ilyaas Aadan iyo qeybaha bulshada ayaa yimid saaka Maxkamadda, oo sidoo kale kasoo muuqdeen 10 eedeysane oo dhalinyaro iyo kuwa da' dhexaad isagu jira, oo xirnaa dharka Maxaabiista oo Jaalle ah.

Mas'uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Puntland oo uu ku jiro wasiirka Cadaalada ayaa goobjoog ka ahaa fadhiga maxkamada oo todobaadkii lasii shaaciyey.

Caa'ish Ilyaas ayaa meydkeeda laga helay meel ku dhaw gurigooda waqooyiga Galkaacyo 25-kii Febuary, iyadoo baaritaan lagu sameeyay lagu ogaadey in Kufsi wadareed lagula kacay, kadibna ceejo lagu dilay.

Hooyada dhashay Gabadhan oo 12 jir ahayd ayaa sheegtay in gabadheeda meydkeeda ay heleen kadib 48 saac oo ka maqnayd guriga, waxaana la sheegay in la afduubtay xilli suuqa adeeg looga diray.

Kiiska Caa'isha ayaa qabsaday baraha bulshada, iyadoo laga dhigay magaalooyinka Puntland dibadbaxyo lagu dalbanayay in cadaaladda lasoo taago kuwii falkan foosha xun gabadha yar kula kacay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA MAXKAMADA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM