Maxkamada Boosaaso oo xukuno ku riday rag lagu eedeeyay sixir

Image

BOOSAASO, Puntland – Lix nin oo lagu eedeeyay in ay dad ku sixreen ayaa maanta kasoo muuqday maxkamada darajada koowaad ee magaalada Boosaaso, xarunta gobolka Bari

Bashiir Ismaaciil Axmed, xeer-ilaaliyaha guud ee maxkamada, ayaa sheegay in eedaysanayaasha ay qireen dambiga lagu soo eedeeyay.

Dacwad oogayaasha ayaa horkeenay fadhiga caddeymo ay kamid yihiin kitaabo ay adeegsan jireen sixroolayaasha.

Abuubakar Cabdinuur Jaamac, gudoomiyaha maxkamada, ayaa shaaciyay in maxkamadu dambi ku waysay saddex eedaysane oo xorriyadooda loo celiyay.

Jamaac ayaa intaasi kadib ku dhawaaqay xukunada lagu riday saddexda eedaysane kale ee dambiga ay ku heshay maxkamadda.

Macalin Cali Axmed Daa'uud, ayaa garka loo geliyay lix bilood oo xarig ah iyo 500 dollar oo ganaax lacageed ah.

Isaaq Cali Isaaq ayaa xabsi ku qaadan doona muddo saddex sano oo xarig ah, isaga oo si lamid ah laga doonayo in uu bixiyo kun dollar.

Cali Maxamed Xasan ayaa wajahaya todoba sano oo oo xabsi ah, waxaana laga doonayaa in uu bixiyo aduun dhan laba kun oo ganaax ah.

"Sida ay xukunada ugu kala badan yihiin ayay dambiyadooda u kala culus yihiin," ayuu yiri xeer-ilaaliyaha maxkamada, Bashiir Ismaaciil Axmed.

Sidda laga soo xigtay maxkamada, raggaan maanta xukunada lagu riday ayaa kamid ahaa barakacyaasha magaalada Boosaaso.

Dhanka kale, qareenada difaacayay raggaan oo gaashaanka ku dhuftay eedaha lagu soo oogay ayaa durba racfaan ka qaatay xukunadaasi.

Sixirka oo qaar kamida degaanada Soomaalida laga adeegsado ayaa ah ficilo sheydaan kaasi oo aysan raali ka ahayn Diinta suuban ee Islaamka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM