Mid kamid ah raggii loo xukumay kiiska Caasha oo "dambiga qirtay"

Image

GAROWE, Puntland - Cabdifitaax Cabdishakuur Warsame oo kamid ah ragga loo xukumay kiiska Caasha ayaa qirtay dambiga, isaga oo tilmaamay in dilka uu ka dambeeyay Cabdishakuur Maxamed Dige, oo kamid ah xukumaneyaasha.

Saddex ruux oo loo haystay gal-dacwadeedkan oo bishii Febraayo 2019 ka dhacay magaaladda Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug, ayaa maanta kasoo muuqday Maxkamadda Sare ee Puntland.

Wariyaha Garowe Online ee ku sugan Maxkamadda ayaa sheegaya in qirashadda uu Warsame ka hor-sameeyay garsooreyaasha ay marxalad kale gelinaysaa kiiska, kaasi oo haatan u muuqda mid maraya heer gabagabo ah.

Kiiskan ayaa loo gudbiyey xeer-beegtada ugu sareysa maamulkan markii qareenadda ay laba jeer racfaan ka qaateen xukun dil toogasho ah oo ay ku riday Maxkamada Darajada koowaaad ee gobolka Nugaal.

Caasha Ilyaas Aadan oo ahayd gabar 12-sano jir ah oo laga afduubtay meel ku dhow hoygooda ayaa maalin kadib la helay meydkeeda oo uu ka muuqday jirdil aad u daran.

Dheecaano laga qaadey saddexda xukumane ayaa waxay muujiyeen in dhamaantooda ay la fal-galeen Inanta, sidda ku cad dacwadda xeer-ilaalinta.

Qoyska iyo ururada u dooda xuquuqda haweenka ayaa dalbanaya in cadaaladda la marsiiyo shaqsiyaadkan, kuwaasi oo horey isaga fogeeyay in ay falka sameeyeen.

Iyadda oo kiiskan markii hore loosoo qabtay in ka badan tobban qof ayaa kusoo biyo shubtay Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige.

Kiiska Caasha oo xukuumadda wacad ku martay in ay ku fulineyso go'aanka ay hay'addaha garsoorka ku ridaan ayaa aad loo ammaanay qaabka ay illaa iyo hada wax u socdan.

Ugu dambeyntii, maalinta Isniinta ah ee todobaadkan ayaa lagu wadaa in Maxkamadda Sarre ee Puntland ay go'aan kama dambeys ah kasoo saarto gal-dacwadeedkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM