Mideeye: Deni wuxuu caqabad ku yahay hanaanka dimuqruaadiyadda Puntland

Image

GAROWE, Soomaaliya - Urur Siyaasadeedka Mideeye oo qabtey shir jaar'id ayaa soo saaray war-murtiyeed ku saabsan furista dastuurka iyo xaalada guud ee Dawladda Puntland.

Ururka ayaa ku andhacooday in doorasho horey loo qabtey aan loo adeegsa karin dastuur hadda ka dib wax ka badal lagu sameynaayo.

Warmurtiyeedka ururka ayaa lagu sheegay: "Sida uu sharciga qabo dastuur iyo xeer la isku waafaqo; timaadada ayuu dhaqan gal u noqon karaa."

Mideeye ayaa muujiyey walaac ay ka qabaan dib u dhaca ku yimid shaacinta natiijada doorashada oo laga filayey maxkamadda dastuuriga ah ka hor 12kii bishan.

Ururka ayaa sidoo kale ku eedeeyey Madaxweynaha Puntland Saciid Deni in uu caqabad ku yahay hanaanka dimuqruaadiyadda iyo dhameystirkiisa, juujuubna ku waday geeddi-socodka dooraahada.

Ujeedka laga leeyahay baal marinta sharciga ayuu ururka ku tilmaamay inuu yahay muddo kordhin oo ay doonayaan Ururka Kaah iyo golayaasha qaar ee dawladda.

Shirkaan jaraa'id waxa uu imaanaya xilli Madaxweyne Deni lagu eedeyey inuu danta guud ka doortey mida gaarka u ah, isaga oo aan tixgelin saameynta ay arrintaas ku yeellan karto Nabadda, Xasilloonida iyo Maamul Wanaaga Puntland.

Xildhibaan Farax Biyoole, kana tirsan urur siyaasadeedka Mideeye oo ka hadlay warsaxadeed ururka:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM