Mideeye: Deni wuxuu caqabad ku yahay hanaanka dimuqruaadiyadda Puntland

Image

GAROWE, Soomaaliya - Urur Siyaasadeedka Mideeye oo qabtey shir jaar'id ayaa soo saaray war-murtiyeed ku saabsan furista dastuurka iyo xaalada guud ee Dawladda Puntland.

Ururka ayaa ku andhacooday in doorasho horey loo qabtey aan loo adeegsa karin dastuur hadda ka dib wax ka badal lagu sameynaayo.

Warmurtiyeedka ururka ayaa lagu sheegay: "Sida uu sharciga qabo dastuur iyo xeer la isku waafaqo; timaadada ayuu dhaqan gal u noqon karaa."

Mideeye ayaa muujiyey walaac ay ka qabaan dib u dhaca ku yimid shaacinta natiijada doorashada oo laga filayey maxkamadda dastuuriga ah ka hor 12kii bishan.

Ururka ayaa sidoo kale ku eedeeyey Madaxweynaha Puntland Saciid Deni in uu caqabad ku yahay hanaanka dimuqruaadiyadda iyo dhameystirkiisa, juujuubna ku waday geeddi-socodka dooraahada.

Ujeedka laga leeyahay baal marinta sharciga ayuu ururka ku tilmaamay inuu yahay muddo kordhin oo ay doonayaan Ururka Kaah iyo golayaasha qaar ee dawladda.

Shirkaan jaraa'id waxa uu imaanaya xilli Madaxweyne Deni lagu eedeyey inuu danta guud ka doortey mida gaarka u ah, isaga oo aan tixgelin saameynta ay arrintaas ku yeellan karto Nabadda, Xasilloonida iyo Maamul Wanaaga Puntland.

Xildhibaan Farax Biyoole, kana tirsan urur siyaasadeedka Mideeye oo ka hadlay warsaxadeed ururka:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM