Mucaaradka oo ka soo horjeestay Guddigii Xallinta Khilaafaadka doorashada ee Deni

Image
Siyaasiyiintan ayaa si cad u diiday inay ka qaybgalaan doorasho ay guddigani hagayaan.

GAROWE, Soomaaliya - Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Garowe ayay siyaasiyiinta mucaaradka ku sheegeen inay diideen guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada ee uu dhawaan magacaabay madaxweynaha xilka kasii dagaya Siciid Cabdullaahi Deni.

Inta uu shirka jaraa’id ay ku guda jireen siyaasiyiintan ayaa ku nuuxnuuxsaday in doorashadu ay ku dhici doonto waqtigeeda, iyagoo ku baaqay in la xaliyo khilaafaadka, islamarkaana la qabto doorasho xalaal ah.

Musharax madaxweyne oo shirka Jaraa’id ka hadlay ayaa yiri: “Hadii la gaaro 8-da January oo guddigaagu shaqeyn waayo [Madaxweyne Deni], wixii ka dhaca Puntland adigaa ka masuul ah”.

Murashax Maxamed Faroole ayaa dhankiisa uga digay Madaxweynaha xilka ka sii dagaya Siciid Cabdullaahi Deni, in uu markale isku dayo waxa uu ku tilmaamay boobka doorashada Puntland.

Siyaasiyiintan ayaa si cad u diiday inay ka qaybgalaan doorasho ay guddigani hagayaan, waxayna sidoo kale ku baaqeen in albaabada loo furo wada-hadallada, lagana qayb-geliyo dadka siyaasadda u dhuun daloola arrimaha doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM