Muhaajirin Itoobiyaan ah oo ku geeriyoodey gudaha Soomaaliya

Image
Boosaaso ayaa kamid ah meelaha ay sida ba'an uga dhoofaan muhaajirinta Soomaalida iyo ajnabiga ah.

BOOSAASO, Puntland - Lix haween ah iyo shan rag ah oo u dhashay Itoobiya ayaa la og yahay inay ku dhinteen shil baabuur oo ka dhacay Soomaaliya, sida ay shaaca ka dhigtey hay'adda socdaalka adduunka ee IOM.

IOM ayaa intaas ku dartay in dadkan ay daabuli jireen dad mukhalasiin ah oo la sheegay in ay qorsheynayeen in ay u qaadaan Yemen iyaga oo sii maraya dekedda magaalada Boosaaso.

Balse gaariga xamuulka ah ee ay saarnaayeen ayaa ku rogmaday Talaadadii, meel wax yar u jirta magaalada Boosaaso. Illaa haatan, ma jirto fahfaahin dheeraad ah oo laga helay dadkan.

Baaritaan ku saabsan sida ay wax u dhaceen ayaa weli socda, balse mas'uuliyiin ayaa BBC-da u sheegay in ay rumeysan yihiin in gaariga xamuulka ah uu cillad ku yimid, isla markaana aysan jirin wax baabuur ah oo ku dhacay.

"Mas'uuliyiinta waxay xaqiijinayaan in 11 meyd ah la aasay. Ugu yaraan 20 kale oo rakaab ah ayaa ku dhaawacmay," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay hay'adda IOM.

Wakiilka dowladda hoose ee xarunta gobolka Bari Maxamed Jaamac oo BBC-da la hadlay ayaa waxa uu intaas kusii daray: "Meydadka waan aasnay, kuwa dhaawacmayna waxaa lagu daweynayaa isbitaalka guud ee Boosaaso".

Boosaaso ayaa kamid ah meelaha ay sida ba'an uga dhoofaan muhaajirinta Soomaalida iyo ajnabiga ah iyaga oo sii maraya waddanka ay colaaduhu aafeeyeen ee Yemen halkaasoo ay uga sii gudbaan qaranka dumay ee Libya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM