Munaasabadda Kowda Luulyo oo xalay Garowe laga xusay [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

July 1, 2015 (GO)- Sanad-guuradii 55aad ee kasoo wareegtey markii ay gobollada koonfureed ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga islamarkaana ay midoobeen gobolladii waqooyi iyo kuwii koonfureed ayaa xalay si weyn looga xusay magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Xaflad ballaaran oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Garowe ayaa waxaa  kasoo qayb  galay Madaxweynaha Puntland, Madaxweyne ku-xigeenka, wasiirro, xildhibaano, sarakiisha ciidamada, isimmo iyo boqollaal dadweyne ah.

Madaxweynaha Puntland oo xafladda ka khudbeeyey ayaa ku dhaaraaday qiimaha xoriyadda iyo halgankii dheeraa ee loo soo galay in Soomaaliya noqoto dal madax bannaan.

Cabdiweli Gaas wuxuu sidoo kale xusay in midnimada iyo jiritaanka Puntland yihiin muqaddas, wuxuuna intaas raaciyey in Puntland gacan bir ah ku qaban doonto cid kasta oo soo faragashata xuduudaheeda iskuna dayda inay wax u dhinto jiritaankeda.

Mas'uuliyiin kale oo dowladda ka tirsn, isimmo iyo culimaa'uddiin ayaa sidoo kale madasha ka jeediyey khudbado nuxurkoodu u badnaa qiimaha xoriyadda iyo sida xilligan in badan oo dadka Soomaaliyeed ka mid ahi u illaaween.

Dhanka kale, kooxda Waaberi Puntland ee uu hoggaamiyo Abwaan Shube ayaa  goobta kusoo bandhigay suugaan noocyo badan leh, taas oo badankeed diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay midnimadu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM