Murashax ku baaqay in Deni la soo xiro

Image

GAROWE, Sooomaaliya - Shirweynaha mucaaridka ee lagu qabanayo duuleedka magaalada Garowe ayaa waxaa khudbado ka jeediyay musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda maamulka uu madaxweynaha ka yahay Siciid Deni, kuwaasi oo iftiimiyay siyaasadda guul-darreysiga ah ee uu maamulkan wado iyo cawaaqibka ka dhashay.

Musharaxa Madaxweyne Asad Dayaano ayaa tilmaamay in Puntland ay ku jirto marxalad adag oo u baahan samatabixin, isagoo ugu baaqay Madaxweyne Saciid Cabdalla Deni inuu si nabad ah xilka ku wareejiyo.

Dhinaca kale, Diyaano ayaa xaqiijiyay inay diyaar u yihiin inay qaataan dagaal oo ay Puntland badbaadiyaan haddii Madaxweyne Deni uu ku adkeysto inuu xukunka sii hayo ka dib marka uu dhamaado waqtigiisa dastuuriga ah.

“Iyada oo aan cidina naga dhiman ayaa rajeyneenaa in Deni uu xilka wareejiyo, hadii ay taa dhici weydo waa in lasoo qabtaa oo maxkamd la horkeenaa” ayuu yiri Murashax Madaxweyne Asad Diyaano.

Dawladda Puntland ayaa waxa ay ku jirtaa xaalad hubanti la’aan ah, taas oo saamayn ku yeelatay xasiloonideeda siyaasadeed, waxaana laga yaabaa in xiisaddu ay sii daba dheeraato, sida ay dadka u dhuun daloola arrimahaasi sheegayaan, haddii maamulka hadda jira uu samayn waayo tanaasul Puntland ku soo celinaya wadadii dimuqraadiyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM