Murashax xubinta Aqalka sare kula tartamayay General Morgan oo is-casilay

Image

GAROWE, Puntland- Maxamuud Cali Saciid (Guumbe),oo kamid aha xubnaha tartanka ugu jiray inay kamid noqdaan dadka Aqalka Sare ee Barlamanka Somalia u matalaya Puntland, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu booskaasi iska casilay.

Guumbe, ayaa sababta is-casilaadiisa uga dhigay inuu saluug ka muujiyay sida madaxweyne Gaas u tartansiiyay xubnaha lasoo xulay ee ku jira liiska Aqalka Sare.

Wuxuu xusay in booskaasi kula tartamayo Gen. Moorgan oo beel ahaan aysan isku meel kasoo jeedin, wuxuuna carrabka dhuftay in qorshahan ku yimid kadib kulan ay isugu yimaadeen beeshiisa, sidaas darteed isku afgarteen inay ka haraan doorashada.

Maaha murashaxii ugu horeeyay ee booskaasi ka baxa, balse waxaa horay uga tagay Mahad Cabdalla Cawad oo xubintan kula jiray kaasoo sheegay inuusan soo doonan loollan ee uu raadinayay xubin sharafeed uu ka helo Puntland.

Waxaa sidoo kale is-casilay Yaasiin Cabdi Seed oo booskiisa lagu badalay qof dumar ah, kadib markii madaxweyne Gaas cadaadis lagu saaray inuu liiskan waafajiyo hishiiskii madasha gaar ahaan qoondada dumarka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM