Musharax Juxa oo ka hadlay muranka guddiga xalinta Khilafaadka doorashada Puntland

Image

NAIROBI - Musharax Cabdi Farax Juxa oo kamid ah siyaasiyiinta raadinaya xilka Madaxweynha Puntland ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook waxaa uu kaga hadlay muranka guddiga xalinta khilafaadka.

Juxa ayaa qoralkiisa ku sheegay in kaalintii dumarka ee gudigaan laga tagey isagoo xusey in talbadaas tahay mid tixgalin la’aan ah. 

“Waxaan ka xumahay inaan gudiga xallinta khilaafaadka ee madaxweynuhu  magacaabay aan kaalin iyo tixgelin laga siin gabdhaha reer Puntland oo door mug weyn ku dhex leh bulshada.” ayuu bartiisa Facebook ku yiri Musharxu.

Musharax Juxa oo ka hadlay mowqifkiisa ku aadan guddiga xalinta khilaafaadka Madaxaweunaha xilku ka sii dhamaanayo magacaabey galinkii dambe maalintii shalay 3 Dec, 2018 ayaa sheegey in xubnahaan gartooda lagu qanci karo balse Gaas talo waafi ah ka galin xulushada xubnahaan.

“Waxaan  qabaa in Madaxweynuhu talo waafi ah arrintan ka gelin.Waxaanse qabaa in xubnaha gudiga cusubi kasoo bixi karaan masuuliyadda ballaaran ee ay qaadeen, gartoodana lagu qanci karo.” ayuu yiri musharax Juxa.

Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii ka digey khilaaf abuura is-bar-bar yaac.

“Ma qabo in is-barbar-yaac iyo muran horleh xillagan dan yahay.” Ayuu hadalkisa ku soo gabagabeeyey.

Puntland ayaa xulushada Xildhibaanada iyo doorashada Madaxweynaha waxay ka dhacdaa Shantii sano mar iyadoo la qabto islamrkaana dib u dhac uusan ku imaan qabashada cod-u- qaadista musharaxiinta xilka u tartamaya bisha Janaayo Sideedeeda taasoo ah qodob Dastuuri ah.

GAROWE ONLINE  

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM