Musharax Madaxweyne oo Saciid Deni ku tilmaamay “Xayle Salaase”

Image

GAROWE, Soomaaliya - Musharaxa Madaxtinimada ee Puntland 2024 General Asad Diyaano ayaa si kulul uga jawaabay khudbadii uu shalay jeediyay Madaxweyne Saciid Deni, taasi oo uu ku sheegay in dalka uusan ku jirin marxalad kala guur ah.

Asad Diyaanu waxa uu sheegay in ficilada Deni ay la mid tahay kuwii kaligii-taliyihii Itoobiya Xayle Salaase.

Waxa uu sidoo kale sheegay in kulanka mucaaradku laga gollahaa in lagu darso tillaabooyin dhab ah oo wax looga qabanayo falalkan gurracan ee uu ku kacayo madaxweynaha.

“Cid kasta oo ku xadgubta sharciga gacanta aa lagu soo dhigi doona, Puntland qof naga xigo malahan” ayuu yiri Generalka.

Mucaaradka ayaa soo saaray bayaan ay kaga jawaabayaan hadallo kasoo yeeray madaxweynaha waqtigiisu dhamaadka yahay ee Siciid Deni oo ku saabsanaa doorashada iyo xaalada siyaasadeed ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM