Musharaxiinta Puntland oo khudbado u jeedinaya Gollaha Wakiilada

Image

GAROWE, Puntland - Musharaxiinta Madaxwaynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah ay hadal-jeedin sameeyaan, iyagoo Xildhibaanada usoo bandhigi doono barnaamijkooda siyaasadeed iyo taariikhdooda.

Musharax waliba waxuu haystaa 15 daqiiqadood, oo kula hadli doono Gollaha Wakiiladda.

Amniga Garowe ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana la arkayaa ciidamo dheerad ah oo lagu soo daabulay guud ahaan wadooyinka soo gala xarunta Aqalka Wakiilada.

Guddiga doorashada ayaa shalay soo gaba-gabeeyay labo maalin oo diiwaangelin ah, iyadoo uu soo saarey liiska rasmiga ah ee Musharaxiinta u tartamaya xilalka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa 8-da January 2019.

Waxaa shuruudaha buuxiyay 21-musharax Madaxweyne, oo uu ku jira Cabdiweli Gaas, oo shantii sano ee uu hayay talada ka lumiyay Puntland fursado qaali ah, islamarkaana dayacay amniga iyo 11 kale oo u diiwaan-gashan Madaxwayne ku xigeenka DPL.

Maalin berri ah ayaa la filayaa inay doorashadda ka qabsoonto magaalo madaxda Puntland ee Garowe, iyadoo aysan ka qeyb-gali doonin wafdi ka socda dowladda Federaalka ah ee Somalia, kadib markii Wasaaradda Amniga PL u diiday.

Madaxwaynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole, saraakiil ciidan iyo Isimada ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Gollaha Wakiilada inay ka fiirsadaan codkooda meesha ay dhigayaan, islamarkaana ay doortaan shaqsi ku haboon hogaaminta Puntland.

Garowe Online, kala soco si toos ah Khudbadaha Musharixiinta ay jeedinayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM