Musharaxiinta xilka madaxweynaha Jubaland oo khudbado akhriyey

Image
Image
Image
Image
Image

14 August. 2015 (GO)-Musharaxiinta u tartameysa xilka madaxtinimada Jubbaland ayaa maanta khudbadahoodii musharaxnimo ka hor akhriyey xildhibaanada Baarlamaanka  Jubbaland.

Afar musharax oo u taagan qabashada xilka madaxtinimada Jubaland ayaa ka hor jeediyey barnaamijkooda wax qabad Barlamanka hadii ay ku guuleystaan madaxtinimada Jubaland 

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan Madoobe oo kamid ah musharaxiinta u taagan xilka  ayaa Barlamanka u shegeey waxqabadkiisa hadii dib loo doorto. Axmed Madoobe sidoo kale waxaa uu sheegey in mudadii Labada Sano ahayd ee xilkaasi uu hayay uu qabtay shaqooyin badan, islamarkaana ay u harsan yihiin howlo kale oo dhameystir uga baahan,hadii dib loo doorto.

Hilowle Aaden oo ah isna Musharax u taagan markii labaad madaxtinimada Jubaland ayaa waxa uu halkaasi ka sheegay in hadii uu guuleysto uu ballan qaadayo in uu hormar weyn gaarsiin doono gobolada Jubbaland, sidoo kalena uu dhisayo ciidan xoogle.

Musharax Cismaan Xaaji Fayruus oo isna ah musharrax utaagan xilka madaxweynaha Jubbaland ayaa dhankiisa ka dalbaday baarlamaanka Jubbaland in codka ay siiyaan, si uu isbedal la taaban karo ugu keeno gobalada Jubbaland.

Ugu dambeyn Musharrax Maxamed Cismaan Yuusuf  oo kamid ah musharaxiinta u taagan xilka ayaa isna dhankiisa waxa uu ku dheeraaday waxyaabaha ugu mihiimsan ee xilligaan uu qaban doono, isagoona hoosta  ka xariiqay in dhaqaalaha Jubbaland uu waxbadan kusoo kordhin doono.

Maalinimada Berito ah, kuna beegan 15-ka August ayaa lagu wadaa in doorashada madaxtinimada Jubbaland ay ka dhacdo magaalada Kismaayo, halkaasi oo mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin badan ku sugan yihiin,waxaana laga dareemayaa magaalada galgalka siyaasadeed ee ay wadaan Musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Jubbaland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM