Musharixiinta Puntland oo war ka soo saaray go’aankii Isimmada SSC-Khaatumo

Image
Musharixiinta ayaa ka hadlay qodobo muhiim ah oo ku saabsan doorashada.

GAROWE, Soomaaliya - Musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada Puntland ayaa Caawa soo saaray Shir jaraa’id ay kaga jawaabayaan mawqifka Isimmada SSC-Khaatumo ee ka baxixtaanka dowladda Puntland.

Musharixiinta ayaa ka hadlay qodobbo ay ugu muhiimsanaayeen in aan la soo xulin xildhibaanada Golaha wakiilada ku matala SSC-Khaatumo ka hor inta aan laga gaarin heshiis loo dhan yahay. 

Musharixiinta ayaa sidoo kale su’aal ka taagay hufnaanta soo xulista Xildhibaanada golaha Wakiilada Puntland, waxa ayna ku eedeeyeen Madaxweynaha dhawaan xilka ka degaya Saciid Cabdullaahi Deni inuu door ku leeyahay xulista.

Shirkan jaraa’id ayaa lagu yiri: “Madaxweynaha waqtigiiisu gabaabsiga yahay Siciid Cabdullahi Deni ayaa leh mas’uuliyadda cawaaqib xumada ka dhalata burburinta beelaha, abaabulka ciidan, iyo xaalad abuurka uu ka wado Caasimada Garowe.”

Musharaxiinta ayaa soo jeediyay in Ciidamada PMPF laga saaro Baarlamaanka, laguna badalo ciidamada Booliska ee hore u joogay.

Waxa ay sidoo kale ku baaqeen in guddiga ansixinta iyo xallinta Khilaafaaka doorashada ay kor joogteeyaan xubno ka socda golaha dhaqanka beelaha Puntland si looga baaqsado khalalaase siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM