Musharrax Jebiye oo $50,000 ugu deeqay mashruuca lagu dayactirayo waddada halbowlaha ah ee Boosaaso

Image
Image
Image
Image
Image

 Boosaaso – Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa $50,000 (konton kun oo doollar) ugu deeqay guddiga loo xil saaray dayactirka waddada laamiga ah dhex marta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Musharraxa ayaa sheegay inay waajib tahay in laga qayb qaato mashaariicda danta guud gaar ahaan dhismaha waddooyinka, isagoo xusay in jidkani aad muhiim ugu yahay isu socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Boosaaso.

Injineerku wuxuu dhinaca kale ballan qaaday haddii loo doorto xilka Madaxwaynaha Puntland in uu dayactir ku samayn doono dhammaan jidadka halbowlaha u ah isku xirka iyo ganacsiga deegaannada Puntland.

Sheekh Maxamad Macallin oo ku hadlayey afka Guddiga Dayactirka Jidka Boosaaso ayaa uga mahadceliyey musharraxa gacanta uu ka gaystay mashruucan, isagoo Ilaah uga baryey in deeqdan beddelkeeda uu miisaanka xasanaadka ugu kordhiyo.

Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye ayaa weli ku guda jira socdaalka uu ugu magac daray 'Tashi iyo Tabasho'. Socdaalkan ayaa ah mid musharraxu ugu kuur gelayo xaaladda guud ee dalka islamarkaana uu kula tashanayo qaybaha kala duwan ee bulshada.

DHAMMAAD

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM