Muumin Cabdi: Taliyaha Booliska Puntland oo su'aallo la waydiiyey

Image
Su'aalo waydiinta maanta ayaa imaanaysa xilli amaanka caasimada Garowe qaylo dhaan laga muujiyay.

GAROWE, Puntland - Guddiga Amniga ee Golaha Wakiilada ee baarlamaanka Dowlada Puntland ayaa Sabtida maanta ah su'aalo waydiiyay Taliyaha Booliska dowlada Puntland, Muumin Cabdi Shire.

Dhinaca kale, Guddiga Shuruucda iyo Arrimaha Caddaaladda isla Golaha Wakiillada dowladda Puntland ayaa maanta warbixin ka dhageystay Wasiirka Caddaalada Puntland.

"Kulan ka qabsoomay aqalka Wakiillada ayuu Wasiirku faah-faahin ka siiyey Guddiga wixii u qabsoomay Wasaaradda, caqabadaha jira, mashaariicda socda iyo qorsheyaasha degsan. Ugu dambeyn, Guddiga ayaa Wasiirka weydiiyey su’aalo ku saabsan arrimaha uu ka hadlay Wasiirku," ayaa lagu yiri bayaanka.

Su'aallo waydiinta taliyaha ayaa imaanaysa xilli amaanka caasimada Garowe qaylo dhaan laga muujiyay isla markaana ay soo baxeen kooxo Cabtooy ah oo habeenkii wixii ka danbeeya 11:00 ka lagu tilmaamay "kuwa la wareega magaalada".

Qoraal uu guddiga soo saarey ayaa lagu yiri: "Guddiga Amniga & Nabadgalyada Golaha Wakiillada ayaa maanta warbixin ka dhageystay Taliyaha ciidanka Booliska DPL oo ay wehliyaan Taliye ku-xigeenka iyo saraakiil kale".

"Kulanka oo ka dhacay xarunta Golaha Wakiillada DPL ayaa ahaa is xog wareysi, iyadoo Taliska Boolisku uu Guddiga la wadagaay horumarka laga gaaray sugida amaanka, caqabadaha jira iyo guud xaalada amni ee wakhtigan ka jirta dalka," ayaa la raaciyey.

Dhawaan ayay ahayd markii ganacsatada hilibka xoolaha ay sheegeen in ay afduubteen xilli habeenimo kooxahaas iyaga oo ku baaqay in wax laga qabto amniga magaalada caasimada ah ee Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM