Muxuu yahay hiigsiga dowladda Puntland ee 2040-ka?

Image
Image
Image
Image
Image
Kulan lagu soo bandhigay qorshahan ayaa maanta ka dhacay magaalada Garowe.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta daah-furay Hiigsiga Puntland 2040, oo lagu soo bandhigay Waxyaabaha ay Puntland hiigsanayso 2040, waana markii ugu horeysay ee la sameeyo qorshe fog iyo hiigsi Dowladeed Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa ay Madaxtooyada iyo Wasaaradda Qorsheynta kusoo bandhigeen waxyaabaha la hiigsanayo iyo habka casriga ah ee Dowladdu u shaqeynayso sida;

*Habka danabeysan ee casriga ah ee maareynta howlaha Golaha Wasiirada (E-Cabinet).

*Habka Casriga ah ee qiimeynta iyo dabagalka (PIMES)

*Nidaamka Maareynta Adeegyada Bangiga (Digital Banking)

Kulanku intuu socday waxaa sidoo kale lasoo bandhigay Puntland iyo marxaladihii lagu aasaasay 1998 iyo hadda meesha ay marayso, guulaha laga gaaray dimuqraadiyadda Puntland, dhismaha ciidamada iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo dhammaantood laga sameeyay horumar taariikhi ah.

"Dowlad aan dalkeeda amnigeeda sugi karin markey tiraahdo doorasho qof iyo cod baan qabaneynaa been bay sheegeysaa," ayuu Deni ku yiri nuqul kamid ah hadal-jeedintiisa madasha.

Wuxuu raaciyey: "Waan u mahadcelinaya dhammaan Masuuliyiinta iyo howl wadeenada shaqada wanaagsan halkan kusoo bandhigay. Puntland 1998 ayaa la aasaasay, illaa iyo hadda maalinba Waxba ku kordhayay, maantana waxaynu marayna in aynu soo bandhigno hiigsigeena 2040. Inshallah".

Deni oo si rasmi ah u daah-furay Hiigsiga Puntland 2040, ayaa Bulshada Puntland ugu baaqay in ay wadajir isugu diyaariyaan maanta taariikh qormeysa, oo lagu suntayo mustaqbalka Puntland 2040, si loo qaabeeyo loogana shaqeeyo Puntland kasii qurux badan maanta Halka ay joogto, nabad ah oo horumar kusii tallaabsata.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM