Muxyadiin oo suurta-geliyay in Puntland laga xuso maalinta Booliska Somalia

Image
Image

GAROWE, Puntland - Taliyaha Puntland, Jeneraal Muxyadiin Axmed Muuse ayaa suurta-geliyay in maalinta ciidanka Booliska Soomaaliya lagu xuso Puntland, taasi oo goboladda iyo caasimada dalka si wayn looga dabaaldegay maanta.

Taliyayaal, saraakiil sare iyo cutubyo ka tirsan ciidanka ayaa ka qaybgalay xafladda oo ay kusoo bandhigeen ciidamada Geedi kacayaar iyo Fantasiyo oo ay wehliso socod dheer ay maalintooda ugu dabaaldegayaan.

Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 20-kii December sanadkii 1943-dii ayaa hadba nolashooda waxay lamid ah dowladihii wadanka soo maray waagii nabadda iyo burburkii ka dambeeyay.

Puntland oo horumuud u ah dowladaha xubnaha ka Federaalka dalka ayaa markii ugu horeysay ciidamo Boolis ah waxay yeelatay 1-dii bishii Febraayo 1999-kii, hal sano kadib aas-aaskii dowlad goboleedkaan.

Xukuumadda uu haatan waqtigu ka dhamaanayo ee uu hogaamiyo Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas] ayaa ku fashilantay inay siiso ciidamada mudadii ay jirtay mushaaraadkooda, oo danno gaar ah loo adeegsaday.

Tani ayaa dhalisay inay ciidamaddu sameeyaan gadood ay ku qabsadeen xarumaha muhiimka u ah dowladda sida Bankiyadda iyo garoomadda diyaaradaha, taasi oo ah wax ugub ku ah maamulka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo Xabsiga Dhigay Haweeney Ku Eedeysan Dilka Gabar 14-Jirka Ah

Baaritaanka meydka ayaa muujiyay dhaawacyo badan, oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in gabadha la ceejiyay iyo garaacis xoog leh.

  • Puntland

    15-11-2025

  • 07:40AM

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM