Natiijada Imtixaanka Shahaadiga dowladda Puntland oo la shaaciyey

Image

BOOSAASO, Puntland - Mas'uuliyiinta Wasaaradda Waxbarahada Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqey natiijadda Imtixaanka Shahaadiga ee sanad dugsiyeedka 2018-19.

Imtixaanka oo bilowday 18-ka May ayaa socday muddo todobaad ah, waxaana uu kusoo gabagaboobay si nabad ah, iyadda oo aaney dhicin wax dhibaato ah, sidda ay wasaaradu tiri.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah u furay Imtixaanka, isaga oo waqtigaasi ardayda u rajeeyay nasiib wacan kulana dardaarmay in ay ka fogaadan wax kasta oo mushkilad keeni kara.

Sidda ku cad natiijadda, waxaa kaalinta koowaad galay arday dhigta Dugsiga guud ee Boosaaso, xarunta ganacsiga Puntland, kaasi oo magaciisu yahay Khadar Saciid Salaad.

Guuleystahan ayaa wuxuu ugu sareeyaa liiska tobbanka arday ee ugu buundooyinka ugu wanaagsan ka shaqeystey Imtixaanka, kaasi oo ay diyaarisay Wasaarada Tacliinta Puntland.

Khadar oo dadaalkiisa halkaasi ku gaarey ayaa waxa uu helay 98 dhibcood, wallow ardayda kale ee ka dambeeya aysan sidaasi uga fogeen ayna u dhaxeeyaan 97 illaa iyo 96 dhibcood.

Liiska tobbanka arday ayaa tirada gabdhaha ee kasoo muuqata waxay gaarayaan sadex, kuwaasi oo lagu kala magacaabo; Aasiya Cabdirisaaq Xirsi Cusmaan iyo Aamina Xuseen Cumar.

LIISKA TOBBANKA ARDAY EE KAALMAHA HOREY GASHAY

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo Xabsiga Dhigay Haweeney Ku Eedeysan Dilka Gabar 14-Jirka Ah

Baaritaanka meydka ayaa muujiyay dhaawacyo badan, oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in gabadha la ceejiyay iyo garaacis xoog leh.

  • Puntland

    15-11-2025

  • 07:40AM

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM