Nick Kay oo sheegey in qorshaha ku jirto in AMISOM la geeyo PL

Image

GAROWE May 9,2015 (GO)- Ergeyga u qaabilsan arrimaha Somalia Qaramada Midoobey oo dhowaan wareysi siiyey Reuters ayaa sheegey in qorshaha in lagu baalarinayo  dhulka ay joogaan ciidamada AMISOM lagu guddo jiro.

" UN-AU waxay dhowaan dhameys tireen dib u eegis lagu sameeyey AMISOM iyo ciidamada Somalia, waxayna aqoonsadeen in dhulka Puntland yahay mid wel-wel badan laga muujiyey xaaladiisa amni." sidaas waxaa yiri Nick Kay oo la hadley Arbacadii lasoo dhaafey warsidaha Reuters.

Nick Key ayaa sheegey in la balaariyo dhulka ay ka howlgalaan ciidamada AMISOM gaar ahaan Puntland tahay arin howsheeda lagu guddo jiro balse waxaa uu ka gaabsadey inuu sheego waqtiga ay dhaceyso.

Key ayaa dhinaca kale xusey in Puntland oo wayadaan aad ugu soo dhowaaneysay dowlada Muqdishu ay dhowaan ogaalaatey in 3000 kamid ah ciidamadeeda lagu daro ciidamada qaranka Somalia.

Hadalka kasoo yeeray ergeyga qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia ayaa waxaa uu wel-wel badan ku abuurey shacabka reer Puntland kuwasoo 16 sano ee maamulkoodu jirey arkayey in ciidamadooda amniga dalka ku filan yihiin.

" ciidamada AMISOM way ka gaysan karaan gacan tababarka iyo dhismaha ciidamada amniga ee Puntland lakiin suurtagal ma aha in xarumo ka sameystaan degaanada Puntland, AMISOM waxba kama qabato dilalka iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho, marka ma arko sabab ay ku baajin karaan dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ka dhaca magaalooyinka waaweyn ee Puntland." sidaas waxaa GO u sheegey xildhibaan ka tirsan Barlamanka Puntland oo diidey magaciisa.

Dhinaca kale ergeyga qaramada midoobey ayaa rajo xumo ka muujiyey in shacabka Somalia toos u dooran doonaan madaxdooda marka la gaaro 2016 isaga oo sheegey inuu jiro dib u dhac balaaran.

" Waxaa dhici karta in la balaaryo dadka dooranaya madaxweynaha kuwaasoo ka koobnaan kara madax dhaqameedyada, dumarka, bulshada rayidka ah iyo qaybaha kale ee bulshada, Somalida ayey jirtaa nidaamka ay qaadanayaan." ayuu yiri NIc Kay isaga oo ka hadlaya qaababka suurtagalka ah marka la gaaro 2016.

Dowlada Somalia ee uu madaxwemanaha ka yahay Xasan Shiikh ayaa waxaa waqtigu kaga egyahay dhamaadka sanadka 2016.

Wareysigaan oo ku qoran luqada Ingriiska ka akhri halkaan.

GAROWEONLINE+ WAKAALDAHA

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM