Nooca doorasho ee Soomaaliya ka qabsoomi karta sanadka 2020-21

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Soomaaliya ayaa isu diyaarineysa doorasho guud sanadka 2020-21, taasi oo qaban-qaabadeeda laga dareemayo guud ahaan dalka.

Afhayeenka Golaha Shacabka, Maxamed Mursal, ayaa Axadii magacaabay guddi ku meel gaar ah kaasi oo diyaarinaya Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Machadka Daraasaadka Siyaasada ee Heritage ayaa Garowe, caasimada Puntland, ku qabtey dood ku saabsan nooca doorasho ee wadanka ku haboon.

Dooda oo ay ka qeyb-galeen mas'uuliyiin dowladeed iyo siyaasiyiin si lamid ah bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa lagu soo bandhigay talooyin maan-gal ah.

Kahor kulankan, machadka wuxuu soo bandhigay daraasad ku saabsan nooca doorasho ee dalka ka qabsoomi karta, wuxuuna soo jeediyay afar qaab doorasho.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM