PL oo diiddey guddiyada doorashada iyo xuduudaha ee federaalka

Image

July 7, 2015 (GO)- Dowladda Puntland ayaa ka hor timid labada guddi ee doorashooyinka iyo xuduudaha oo shalay Baarlammaanka Dowladda Federaalku cod aqlabiyad leh ku meel mariyey, horayna Golaha Wasiirradu u ansixiyeen.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland oo loo gudbiyey beesha caalamka ayaa lagu sheegay in labadaas guddi  yihiin kuwo lagu soo xulay qaab aan sharci ahayn islamarkaana dhismahooda lagala tashan dowladaha qaybta ka ah federaalka.

Si lamid ah Puntland waxaa guddiyadaas ug qaadacdey Dowladda Jubaland oo iyadu dhowaan xiriirka u jartey Dowladda Federaalka, kadib markii mooshin laga keenay Baarlammaanka Jubaland.

Waxaa xusid mudan in dhammaan xubnaha labada guddi ee shalay la ansixiyey ay soo xushay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka, arrintaas oo sheki gelineysa dhex-dhexaadnimada guddiyadaas oo muhiim u ah masiirka dalka iyo Higsiga 2016.

Magacyada xubnaha Guddiga Doorashooyinka:

  1. Siciid Xaashi Warsame
  2. Maxamed Xasan Thaani
  3. Xuseen Cabdi Aaden
  4. Sayid Cali Sheekh Maxamed
  5. Maxamed Axmed Nuur
  6. Cabdiraxmaan Cismaan Dirir
  7. Maxamed Daahir Maxamuud
  8. Xaliimo Ismaaciil Ibraahim
  9. Khadiijo Cosoble Cali

Magacyada xubnaha Guddiga Xuduudaha:

  1. Muuse Waxgarad Cabdullaahi
  2. Liibaan Cali Sahal
  3. Maxamed Muxyadiin Sheekh Sahal
  4. Cabdullaahi Gacal Cabdi
  5. Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim
  6. Siciido Xasan Cusmaan
  7.  Xuseen Xaashi Xasan
  8. Cabdikhaaliq Cabdullaahi Xamza
  9. Khaliif Cabdikariin Maxamed

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM