PLTV oo dib hawada ugu soo laabtey

Image

June 16, 2015 (GO)- Telefishinka Puntland (PLTV) ayaa dib hawada ugu soo laabtey kaddib markii uu shalay saacado kooban hawada ka maqnaa.

Sababta TV-gu hawada uga baxay ayaa ahayd kaddib markii dowladdu bixin weydey kirada Satellite-ka baahiya telefishinka.

Maamulka PLTV ayaa isla xalay shubay kirada labadii bilood ee ugu dambeeyey, wuxuuna telefishinku dib hawada ugu soo laabtey abbaare 8:00 fiidnimo ee xalay isagoo dansanaa muddo saddex saac ka badan.

Dhanka kale, shaqaalaha PLTV ayaan muddo saddex bilood ah qaadan mushaharaadkii iyo gunnooyinkii ay xaqa u lahaayeen.

Qaar kamid ah hawl-wadeenada TV-ga oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay in ay marar badan cabasho u gudbiyeen maamulka telefishinka iyo Wasaaradda Warfaafinta kana dalbadeen in la siiyo xuquuqdooda, balse ilaa iyo hadda aysan jirin cid  ilaa iyo hadda wax ka qabatey cabashadooda.

Waa markii labaad ee telefishinka Dowladda Puntland muddo sanad gudihiis ah lacag la'aan hawada uga baxo.

Sep 4, 2014 ayey ahayd markii sidan oo kale Telefishinka khadka looga saaray kadib markii muddo afar bilood ah la bixin wayey kirada sattelite-ka.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli badi shaqaalaha dowladdu ka cabanayaan mushahar la'aan islamarkaana dhaqaalaha Puntland si weyn hoos ugu dhacay.

Waxaa xusid mudan, in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas khudbaddii uu shalay ka jeediyey xarunta baarlammaanka ku sheeegay in dhaqaaluhu si weyn u kobcay marka loo barbar dhigo sidii uu ahaa sanado kahor.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM