Prof. Jurile oo hal cod ku guuleystey aqalka sare Barlamanka Somalia

Image

GAROWE, Puntland- Doorashada xubnaha Aqalka sare ee Barlamanka Federaalka Somalia u tartamaya oo ka socota xarunta aqalka wakiilada Puntland ayaa waxaa ilaa iminka loo doortey 3 xubnood iney kamid noqdaan aqalkaas.

Madaxweynahii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole, Ra'isal wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashid iyo Prof. Jurile ayaa loo doortey xubnaha Aqalka sare Barlamanka Federaalka uga qayb galaya Puntland.

Codbixnta Indhaha dadweynaha soo jiidatey waa tartankii doorashada ee dhexmarey prof. Jurile iyo Hodan Ismaaciil. Labada musharax ayaa ku kala adkaadey markii la tiriyey codadka, Prof. Jurile ayaa helay 33 cod halka Hodan Ismaaciil codadka xildhibanada Puntland ka heshey 32 cod.

Prof.Jurile oo horey uga tirsanaa xildhibanada aqalka hoose Barlamanka Federaalka Somalia ayaa ah ruug cadaa siyaasada Somalia muddo ku soo jirey isagoo xilal badan kaasoo qabtey dowladii burburtey ee Maxamad Siyaasad Barre iyo dowladihii ka dambeeyey intii uu dhacey burburkii Somalia. 

Guddiga doorashada dadban ee Somalia ayaa ku tilmaamey in codbixntaan labada musharax ka tarjumeyso sida aysan u jirin wararka sheegaya in dumarka Somalida loo ogoleyn siyaasada.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM