PUNSAA oo ka digtey magacaabista guddiga khilaafaadka Puntland

Image

GAROWE - Dallada daneeyaasha aan dowliga ahayn ee Puntland(PUNSAA)waxaa ay ugu baaqaysa Madaxwaynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

1 in Gudiga xaslinta khilaafaadka iyo kala saarista xildhibaanada in uu noqdo mid si dhexdhexaad ah su cadaalad ahna u dhamayn khilafaadka soo wajihi kara lehna Amaano

2 xubnaha gudiga waa in aan lagu darin siyaasiyiin xil ka haya ama ka soo qabtay dowladihii hore ee waa in laga soo xulaa bulshada qaybaheeda kala duwan waana in ay ahaadaan dad sharaf iyo karaamo ku leh bulshada reer Puntland .

3 xubnaha gudigu waa in uu noqdaa mid loo dhanyabay oo qoondo laga siiyo haweenka si ay u hubiyaan matalaad haweenka ee golaha wakiilada la soo xulayo .

PUNSAA waxaa ay sidoo kale ugu baaqaysa dhamaan ugu baaqaysaa dhamaan musharaxiinta xilka madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka in ay ka taxadaraan isticmalaan hadalo xanafleh oo wax u dhimi kara Amniga iyo wadajir shacabka Puntland.

PUNSAA Waxay Ku baaqaysa in dhamaan musharaxiintu ay ka qayb qaataan sugiea Amniga ayna xadidaan ilaaladooda.

Dhamaad.

Related Articles

Booliska Puntland oo Xabsiga Dhigay Haweeney Ku Eedeysan Dilka Gabar 14-Jirka Ah

Baaritaanka meydka ayaa muujiyay dhaawacyo badan, oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in gabadha la ceejiyay iyo garaacis xoog leh.

  • Puntland

    15-11-2025

  • 07:40AM

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM