PUNSAA oo war kasoo saartey natiijadda lagu muransan yahay ee Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Dallada Ururada Bulshadda Rayidka ee Puntland [PUNSAA], ayaa Maanta oo Sabti ah waxay soo saartey qoraal ay ku bogaadinayso doorashadii 25-kii Oct ka dhacday Puntland, taasoo natiijadeeda lagu muransan yahay.

PUNSAA ayaa iska indha-tirtay cabashadda Ururada siyaasadeed intooda badan ka keeneen doorashadda Gollayaasha degaanka ee ka dhacay Eyl, Ufeyn iyo Qardho, taasoo codadka lagu shubtay, iyadoo TPEC indha ka eeganayso.

Waxay PUNSAA Maxkamadda Sare ee Puntland ku amaantay inay ansixisay natiijadda doorashadda TPEC usoo gubisay, iyadoo aan la eegin dhaliilaha iyo tabashooyinka saamileyda kale ee siyaasadda ay muujiyeen.

Ururada Horseed, IFIYE, Mustaqbal iyo Runta & Cadaaladda ayaa qoraal wadajir ah oo ay soo saareen Oct ku sheegay inay qaadaceen natiijadda TPEC shaacisay, iyagoo u sababeeyay hufnaan la'aan iyo cod-iibsi ka dhacay doorashadda.

PUNSA ayaa mudo-xileedka hogaankeeda hadda jooga ku ekaa 2019, iyadoo sida uu sharciga dallada dhigayo ahayd in labadii sano mar dhado doorashadda, balse aan la qaban, taasoo sharciyad-tireysa inuu ka hadlo arrimaha masiiriga Puntland.

Puntland waxay sugeysay doorasho qof iyo cod ah mudo 20 sano ah, iyadoo midii dhacday Oct 25 noqotay wax la aqbali waayay in geediga mudada dheer safarka kusoo jiray lagu furey meel aan ahayn halkii lagu sii jeeday.

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM