Puntland: Maleeshiyaad ka tirsan Daacish oo qabsadey degmada Qandala
QANDALA, Puntland- Maleeshiyaad sheegta iney ka tirsan daacish ayaa saaka arroortii qabsadey degmada Qandala oo ka tirsan gobolka barri taasoo qiyaastii 78KM u jirta xarunta ganacsiga Puntland Bosaso.
Wararka aan ka helyno dad ku sugan degmada ayaa sheegaya in ciidamada tiradooda gaareyso 100 ay la wareegeen gacan ku haynta magaladaas iyagoo halkaas ka taagey calankooda.
Maleeshiyaadkaan oo ku dhuumaleysta goobo ka tirsan gobolka barri Puntland ayaa waxaa hogaamiya ninka la yiraahdo Cabdulqaadir Mumin.
Muumin oo haysta dhalasho dalka Ingriiska ah ayaa horey uga tirsanaan jirey ururka Al Shabab kuwasoo ku dhiimaaleysta buuraha ku dho Galgala.
Dadka ku sugan degmada oo diidey magacooda ayaa sheegaya in malesshiyaadkaan qayb ka tirsan saaka u soo gudbeen dhanka xeebta kuwaasoo xanibaad kooban ku rogey dad kaluumeysato ah.
Magaalada ayaa la sheegayaa in qaybo ka tirsan dadka shacabka ah ka baxeen kuwasoo ka cabsi qaba in la bartilmaameedsado kooxdaan.
Dhinaca kale qabsashada kooxdaan ee degmada Qandala ayaa ku soo beegmeysa xilli madaxweynaha Puntland ku sugan yahay magaalada Bossaso.
Dowlada Puntland ayaa horey u ogeyd joogitaanka ciidankaan iyadoo wax talaabo ah ka qaadin.
Madaxtooyada Puntland ayaa iminka waxaa ka socda kulan deg deg ah oo arinkaan looga arinsanayo.
Dowlada Mareykanka ayaa horey liiska argagixisada u galisay Cabdulqaadir Muumin.
GAROWEONLINE