​Puntland: 20 kamid ah shaqaalaha dowladda oo deeq waxbarasho helay

Image

GAROWE, Puntland- Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland, ayaa maanta ka dhawaajisay liis ay ku dhiganyihiin magacyada 20 kamid ah shaqaalaha dowladda, kuwaasoo lasiiyay deeq waxbarasho oo dalka Ethiopia ah.

Munaasabad lagu qabtay xarunta wasaaraddaasi, ayaa lagu shaaciyay arrintan iyo qaabka deeqdaasi ku timid, waxaana la sheegay in madaxweynaha Puntland ka keenay dalka Ethiopia.

Deeqdan, ayaa waxaa soo codsaday 51 qof oo ka kala socday laamaha kala duwan ee dowladda, kuwaasoo lagu kala saaray Imtixaan lagu qaaday xarunta wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland.

Wasiirka wasaraddaasi, Abshir aw-Yuusuf Ciise oo warbaahinta faah faahin ka siinayay qaabka deeqdan ku timid ayaa sheegay inay isugu jirto 10 qof oo helay waxbarashada jaamacadda heerka koowaad iyo 10 qof oo helay waxbarashada heerka labaad.

Wuxuu tilmaamay in dadkaasi sidii lagu kala saari lahaa loo xilsaaray guddi sagaal qof ka kooban.

Yusuf, ayaa dowladda Ethiopia iyo xukuumadda Puntland uga mahadceliyay waxbarashadan looga faa'iideeyay shaqaalaha dowaldda, isagoo kula dar-daarmay inay kasoo miro dhaliyaan fursadan dahabiga ah.

Deeqdan la siiyay shaqaalaha dowladda ayaa lagusoo beegay xilli Arday kala duwan ka baxeen Iskullo iyo jaamacado ku yaalla Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM