​Puntland: 20 kamid ah shaqaalaha dowladda oo deeq waxbarasho helay

Image

GAROWE, Puntland- Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland, ayaa maanta ka dhawaajisay liis ay ku dhiganyihiin magacyada 20 kamid ah shaqaalaha dowladda, kuwaasoo lasiiyay deeq waxbarasho oo dalka Ethiopia ah.

Munaasabad lagu qabtay xarunta wasaaraddaasi, ayaa lagu shaaciyay arrintan iyo qaabka deeqdaasi ku timid, waxaana la sheegay in madaxweynaha Puntland ka keenay dalka Ethiopia.

Deeqdan, ayaa waxaa soo codsaday 51 qof oo ka kala socday laamaha kala duwan ee dowladda, kuwaasoo lagu kala saaray Imtixaan lagu qaaday xarunta wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland.

Wasiirka wasaraddaasi, Abshir aw-Yuusuf Ciise oo warbaahinta faah faahin ka siinayay qaabka deeqdan ku timid ayaa sheegay inay isugu jirto 10 qof oo helay waxbarashada jaamacadda heerka koowaad iyo 10 qof oo helay waxbarashada heerka labaad.

Wuxuu tilmaamay in dadkaasi sidii lagu kala saari lahaa loo xilsaaray guddi sagaal qof ka kooban.

Yusuf, ayaa dowladda Ethiopia iyo xukuumadda Puntland uga mahadceliyay waxbarashadan looga faa'iideeyay shaqaalaha dowaldda, isagoo kula dar-daarmay inay kasoo miro dhaliyaan fursadan dahabiga ah.

Deeqdan la siiyay shaqaalaha dowladda ayaa lagusoo beegay xilli Arday kala duwan ka baxeen Iskullo iyo jaamacado ku yaalla Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM