PUNTLAND: Agaasimaha Idaacada Daljir oo Dil Ka Badbaadey

Image

BOSAASO- Agaasimaha guud ee Radio Daljir Axmed Shiikh Maxamed (Tallman) ayaa ka badbaaday isku day dil kaddib markii rasaas uu ku weeraray askari kamid ah bilayska Puntland ee magaalada Bossaso.

Askariga ayaa isaga oo ku qaylinaya “maxaa Asad Diyaano idiin geeyey” waxa uu xabbado afsaar ah ku ridey Agaasimaha oo xilligaas ka soo baxay xarunta idaacadu ku leedahay magaalada Boosaaso.

“Ilaahay baa i badbaadiyey, xabbad afsaar ah ayuu igu ridey ninkaas askariga ah,” ayuu yiri Tallman.

Radio Daljir ayaa maalmhaan baahinayey barnaamijyo uu kaga hadlayey hay’adda PSF oo uu madaxda horey uga ahaa Murashax Asad Diyaano.

Musharrax Asad Diyaano oo xilkii Taliyaha PSF ka degay, horayna xilka kala wareegey AHN aabbihiis Cismaan Cabdullaahi Diyaano ayaa xilkii taliyenimo ee ciidanka PSF hadda ku wareejiyey walaalkiis Maxamuud Cismaan Cabdullaahi.

Maamulka Radio Daljir illaa iyo hadda lalama socodsiin in la soo qabtay ama la xiray askarigii isku dayey in uu Tallman, Agaasimaha Guud ee Radio Daljir, dilo asaga oo isku dayga dil ku sababaynaya “maxaa Asad Diyaano idiin geeyey?”

RADIO DALJIR 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM