Puntland: Arday lagu dilay Garoowe iyo war kasoo baxay Taliska Booliska

Image

GAROOWE, Puntland - Taliyaha saldhiga dhexe ee Garoowe Dhamme Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul), ayaa sheegay in ciidamada amaanka Puntland ay gacan kusoo dhigeen dhowr Askari oo la sheegay in xalay magaalada ay ku dileen Wiil Arday ah.

Sidoo kale, Jen. Muxudiin Axmed Muuse, Taliyaha Booliska Puntland ayaa xaqiijiyay in xabsiga la dhgay Askar la tuhmayo inay ka dambeeyaan dilka Yaxye Cabdirisaaq Xaaji, oo katirsanaa ardayda dhigata Jaamacadda Boosaaso faraceeda Garoowe.

Allah ha u naxariistee Yaxye ayaa la dilay kadib markii uu la murmay Askar kamid ah Booliska ka howlgala Saldhigga Dhexe ee Garoowe, kuwaasoo ka furanayay isaga iyo gabar la socotay Taleefoonada gacanta [Mobile] oo ay wateen.

Magaalada Garoowe, ee xarunta Puntland ayaa kusoo badanayay mudooyinkii dambe falal amni darro, iyadoo dadka shacabka ah xilliga habeenkii ay kooxo hubeysan ay ka furtaan agabka ay wataan, sida Taleefonka iyo waxyaabaha kale ee muhiimka ah.

Xaaladda amni darro ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli magaalada Caasimadda ah ay martigelinayso doorashada Madaxtinimada Puntland January 2019, iyadoo ciidamadii sugi lahaa amaanka ay sameynayaan gadood mushaar la'aan darteed.

Xukuumadda waqtiga ka idlaadey ee uu hogaamiyo Gaas ayaa mudadii ay jirtay ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ku fashilantay hanashada amniga, oo kooxaha argagaxisada ay kusoo xoogeysteen iyadoo dhul hor leh oo Somaliland la wareegtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM