Puntland: Beel Murashaxiinteeda Barlamanka ku kala saartay Codayn

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSAASO, Puntland- Magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa 18 September 2018 ka dhacay doorasho lagu kala saaray labo murashax oo raadinayay kursi kamid ah kuraasta Barlamanka Puntland ee soo socda.

Dr: Cabdulqaadir Kawir iyo Ex-Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Jaamac Yaasiin ayaa ku tartamayay kursigab beesha Reer Boqor Dishiishe.

Doorashada oo u dhacday qaab qarsoodi ah, waxaa ka qaybgalay aqoonyahanka, dhalinyarada iyo qaybaha kala duwan ee beeshaas, waxaana labada mas’uul u kala codeeyay 11 qof oo lagu soo xulay matalaada beesha reer Boqor Dishiishe.

Siyaasi Jaamac Yaasiin ayaa helay kursigaas kadib markii uu cod dheeri ah kaga guulaystay Dr Kawir.

Tallaabadan ayaa ahayd mid ku cusub nidaamka qabaliga ah ee lagu soo xulo Barlamanka Puntland, wuxuuna noqonayaa kursigii ugu horeeyay ee lagu soo saaro matalaad shacab.

Qorshahan ayaa dhabaha u xaaraya hadii ay ku dhaqmaan beelaha kale in la helo dad aqoon leh, ay ku qanacsanyihiin shacabku inay usoo kuso baxaan Barlamanka soo socda, taasoo dhabaha u xaaraysa in la helo hogaamiyo ay shacabku rabaa dalkana k samatabixin kara xaaladaha uu hadda ku jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM