Puntland: Camey oo kahor-yimid go'aanadda Shirkii Garoowe [Dhageyso]

Image

GAROOWE, Puntland - Madaxwayne ku xigeenka Puntland, Cabdixakiin Xaaji Cumar [Camey] ayaa kasoo horjeestay go’aanadii kasoo baxay shirkii todobaadkii tagey Madaxda dowlad goboleedyadda ugu soo gabagaboobay magaalada Garoowe. 

Camey oo la hadlay Radio Kulmiye oo Muqdisho ku yaalla, ayaa ku tilmaamay qodobadii kasoo baxay shirkaas ”riyo maalmeed ah”, iyo go'aanno aan laga fiirsan, oo aan suurta-gal noqon doonin, maadaama xiligan aan ku habooneyn xaaladda ka jirta dalka. 

“Waa riyo maalmeed, in qodobo noocaas ah ay kasoo baxaan shirka madaxda maamul goboleedyadda. Waxaan si wayn ubogaadinayaan talaabada culimada iyo taliyaasha ciidamada Puntland ay qaadeen,” ayuu yiri. 

Dhinaca kale, Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa soo dhaweeyay go’aan uu qaatay madaxa xukuumada Galmudug, kaasi oo uu kaga hor-yimid isana shirkii Garoowe xili uu ku baaqay in laga qaybgalo shirka uu Farmaajo ku iclaamiyay. 

“Waxaan si wayn u bogaadinayaa saaxiibkey Sheekh Axmed Shaakir, oo talaabo muhiim ah qaaday. Waxaan ku baaqaynaa in wax kasta lagu xaliyo wadahadal,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Camey. 

Hadalka Camey ayaa cirka biyo kulul ku shubaya is-marin-waaga siyaasadeed ee dowlada dhexe iyo maamul goboleedyadda, xili uu cadaadiska kusii kordhinayo Madaxda maamuladda oo haatan Beesha Caalamka garab ka raadinaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM