​Puntland: Ciidamada PIA-da oo isaga baxay xarumo ay qabsadeen

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa iminka dib ugu laabtay fariisinkoodii ciidamadii gadoodsanaa ee galabta qabsaday xarunta wasaaradda Maaliyadda iyo bangiga dowladda Puntland ee magaalada Garowe.

Wararka ku xeeran tallaabada ciidamadu ku qabsadeen goobahaasi muhiimka ayaa sheegaya inay la xiriirto cabasho dhanka mushaharka ah.

Waxaa xukuumadda uu hogaamiyo Cabdiwali Gaas ku guulaystay in laga qanciyo tabashooyinkoodii iyadoo guddi loo saarayo wax ka qabashada Mushaharka ka maqan 7 bilood iyo daryeelka dhaawacyadooda.

Dadaallo xooggan ayaa ilaa galabta socday, waxaana ciidamadan horay ugu adkaysanayeen inaysan ka bixi doonin goobahan ilaa ay ka helaan dalabkooda.

Xarumaha ay qabsadeen waxaa kamid ahaa Wasarada Maaliyada iyo Bangiga dhexe ee Puntland.

Ciidamadan oo katirsan kuwa sirdoonka Puntland ee loo yaqaano PIA-da, ayaa tiradoodu gaaraysaa 140 Askari, waxaana muddooyinkii dambe la daalaa dhacayeen xuquuq la'aan. Halkan ka akhriso

Qayb kamid ah kuwa gadooday, waxay ka yimaadeen magaalada Galkacyo cabasho la xiriirta xuquuqda ka maqan awgeed.

Dhowr jeer oo hore, waxaa sidaan u gadooday ciidamo katirsan Daraawiishta Puntland ee ku kala sugan Bosaso, Garowe iyo Galkacyo, waxayna arrintan caado noqotay mudadii talada Puntland qabtay madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas.

Majirto ilaa hadda cid ka tirsan dowladda oo ka hadashay gadoodka ciidamada PIA-da Puntland oo qayb laxaad leh ka qaatay howl gallo ka dhan ah Argagixisada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM