Puntland: Ciidamo katirsan PIA-da oo xarumo muhiim ah magaalada Garowe
GAROWE, Puntland- Ciidamada Sirdoonka Puntland ee loo yaqaano PAI, ayaa qabsaday xarumo muhiim ah oo dowladdu ku leedahay magaalada Garowe, kadib cabasho ay muujinayeen bilooyinkii dambe oo xukuumaddu wax ka qaban weyday.
Ciidanka ayaa la wareegay gacan ku haynta Bangiga iyo wasaaradda maaliyadda ee caasumadda Puntland, iyagoo dalbaday inay wax laga qabto baahiyahooda iyo xuquuqda ka maqan.
Waxay raadinayaan sida GO u xaqiijiyeen saraakiil katirsan PAI, mushara maqan 7 bilood iyo sidoo kale in loo daryeelo ciidamo katirsan oo ku dhaawacmay dagaalkii sannadkan horraantiisii ay la galeen mallayshiyaadkii kusoo duulay Puntland.
Dhaawaca oo qaybtood loo qaaday dalka dibadiisa ayay sheegeen inay dayacanyihiin islamarkaana aysan jirin wax taakulo ah oo dowladdu siisay, marka laga yimaado ehelkooda oo la taacaalaya, halka kuwo kale ku dhibaataysanyihiin dalka gudihiisa.
Waxaa socda dadaallo lagu doonayo in lagu qanciyo ciidamada gadoodsan, balse waxay shuruud ka dhigteen inaysan ka tagi doonin goobahan illaa laga fuliyo dalabkooda.
Madaxda Puntland, ayaa dadaal ugu jirta sidii arrintan loo xallin lahaa, waxaana saraakiil katirsan laamaha ammaanka oo ay soo direen wadaan dadaallo ku aadan qancinta ciidankan, balse way ku gacan sayreen xalka ay wadaan.
Ciidanka gadooda qaybtood, waxay ka yimaadeen maanta magaalada Galkacyo iyagoo qayb ka ahaa howlgallo halkaas kasocday.
PIA-da oo kamid ah cududaha ugu muhiimsan ee ciidamada Puntland, ayaa tiradoodu gaaraysaa 140 Askari oo qaba tababar khaas ah, waxaana horay taageero u siin jirtay dowladda Maraykanka inkastoo ay joogsantahay sannado ka hor, balse wixii waqtigaas ka dambeeyay, waxaa gacanta ku hayay dowladda.
Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli qaar kamid ah hay'adaha dowladda iyo shaqaalaha ka shaqeeya ka cabanayaan mushahar la'aan baahsan, taasoo ay sheegeen inay xukuumadda uu hogaamiyo Cabdiwali Maxamed Cali Gaas dhaga jalaq u siin dalabaadkooda.
Waddanka ayaa dhaqaalihiisu is badalay, waxaana sannadkan gudihiisa ciidamo katirsan daraawiishta Puntland qabsadeen Bangiga iyo xarunta wasaaradda maaliyadda ee magaalada Galkacyo.
Xaaladda ciidamadani ka gadoodeen, ayaa xog ku saabsan waxaa horay u baahiyay Warsidaha Garowe Online, waxaana muuqata in xukuumaddan muhiimad siinayn bixinta mushaharka iyo xuquuqda shaqaalaha dowladda oo sida laga warqabo ku shaqeeya duruufo adag.
Waxaa xusid mudan in xisaab xirkii ugu dambeeyay ee wasaaradda maaliyadda Puntland samaysay ee loo gudbiyay Barlamanka Puntland ka muuqdeen tacaddi xoog leh taasoo lagu sameeyay dhaqaalaha dalka, waxaana Madaxtooyada, wasaaradda Maaliyadda iyo xarumo kale kor u dhaafeen dakhligii loogu talo galay.
GAROWEONLINE