Puntland: Dalka qof muraadkiisa dowladnimo loogama dhigi karo

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Puntland marnaba ma aqbaleyso in dowladnimada Soomaaliya lagu dabaqo aragti shaqsiyadeed, sidda uu shaaciyey Wasiirka arrimaha gudaha iyo dimuqraadiyeynta maamulkan, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Dhabancad oo madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay in uu caqabad ku noqdey in dalka uusan soo gaarin xaalada cakiran ee dhanka doorashooyinka haatan uu wajahayo ayaa adkeeyay in si deg-deg loogu dareero codeynta.

Qabsoomida doorashooyinka oo loo balansanaa dhamaadka 2020 iyo horaanta 2021 ayuu carabka ku adkeeyay in ay kaalin weyn ka cayaareyso "ilaalinta amni, xasiloonida iyo midnimada waddanka".

"Farmaajo waxaa lagu wareejiyey juhdi muddo dheer laga soo shaqeeyay. Waxaa lagu wareejiyay hay’addo dowladeed iyo maamul goboleedyadda oo wada shaqeynaya. Maanta halka ay mareyso waan u jeednaa. Farmaajo dadka wuxuu ka gedaa hal kalmad 'waddaniyad, waddaniyad' [balse] waddaniyadii ayaa lala dirirayaa," ayuu Dhabancad u sheegay Raadiyaha maxaliga ah ee Daljir.

Wasiirka ayaa ku nuux-nuux-saday in Farmaajo oo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey 8-dii Febraayo sanadkan 2021 uu in ka badan laba bilood uu xafiiska ku joogo si sharci darro ah.

"Soomaaliya marnaba dib uguma noqon karto in qof muraadkiisa dowladnimo looga dhigo," ayuu hoosta ka xariiqay isaga oo ku daray: "Xalka kuma jiro in laga shaqeeyo qof dantiisa. Waxa loo baahan waa in dalka horey u socdo".

Dhanka kale, wasiir Dhabancad ayaa ka dhawaajiyey in Puntland ay maalmaha soo aadan soo saari doonto mowqifkeeda ku aadan xaalada cakiran iyo muddo kororsiga laba sano ee taliska Farmaajo sameysatay isagoo u maraya Golaha Shacabka baarlamaanka.

Sidda laga soo xigtay Dhabancad, go’aanka Puntland ayaa wuxuu noqon doonaa "mid ku dhisan aragti Soomaaliya looga saarayo dhibaatada uu madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo geliyo".

Xukuumadda madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa tan iyo markii ay soo gabagabeysay wadahadaladii ay Muqdisho u joogtay ayaa waxay waddaa wadatashiyo ballaaran oo ay la yeelaneyso qeybaha kala duwan ee bulshada si gaar ah xoogaga dhanka siyaasadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha howlgalka Gobolka Bari

Axmed ayaa sheegay in hawlgalka milateriga ee ugu dambeeyey, oo diiradda saaraya buuraha Cal Miskat ee gobolka Bari, uu socday ilaa Isniintii.

  • Puntland

    22-01-2025

  • 02:22PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM